Wasiir Xuseen-Xoog Oo Tacsi U Diray Qoys Ka Baxay Bahda Caafimaadka

0
558

 

xoogHargeysa(Geeska)-Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, ayaa tacsi u diray qoys bahda caafimaadka ka tirsanaa oo Sabtidii ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay tuulada Diinqal ee jidka Hargeysa iyo Berbera isku xidha.

 

Alle haw naxariiste Hooyo Ifraax Cali iyo carruurteeda oo kala ahaa Hoodo Cumar Axmed iyo Khadar Cumar Axmed, ayaa shilkaas ku geeriyooday. Marxuumad Ifraax ayaa ahayd kaklaaliso caafimaad oo khibrad u lahayd arrimaha caafimaadka, waxaanu Wasiir Xuseen-Xoog sheegay inay bahda caafimaadku tabi doonto marxuumadda. “Marxuumad Ifraax oo ka tirsanayd bahda caafimaadka aad ayaa loo tabi doonaa kaalinteedii, waxaanan Alle uga baryayaa inuu marxuumadda naxariistii janno ka waraabiyo iyada iyo carruurta ay dhashay ee uu shilku haleelay, qoyskii ay ka baxday iyo bahda caafimaadkana waxaan Alle uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo.” Ayuu yidhi Wasiirka caafimaadka oo la hadlay Geeska Afrika.

Hooyada iyo carruurteeda ayaa waxa ay ka yimaadeen dugsiga sare ee Sheekh oo ay ka soo qaadeen Hoodo Axmed Cumar oo ahayd inanteeda oo ugu tallo galeen inay wakhtigeeda fasaxa dugsiga Hargeysa ku qaadato, Geeridan naxdinta leh oo ka dhacday tuulada Diinqal ee isku xidha Hargeysa iyo Berbera, waxa la sheegay inay sababtay baabuurka ay wateen iyo baabuur kale oo ah nooca waaraadka loo yaqaan oo isku dhacay.