Madaxwayne Silva Kiir Oo Xadhiga Ka Jaray Lacagta Cusub Ee Jamhuuriyada South Sudan

2
793

 

southsudan1 - Copy

Juba (Geeska)- Shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd 18 july 2011 saacadu markay ahayd abaara 11:00 subaxnimo ayaa uu madaxweynaha Koonfurta Sudan, Md. Silva Kiir Mayardit, xadhiga ka jaray bilowga isticmaalka lacagta cusub ee ay yeelatay dawlada cusub ee K/Sudan. Lacagtan oo magaca hore la wadaagta lacagtii hore, waxaa la yidhaahdaa South Sudanese Pound ayaa ah lacag qiimaheedu aad u sareeyo marka la eego suuqa sarifka lacagaha qalaad ee maxaliga ah. iyada oo laga baqo qabo in ay noqoto lacagtii ugu qaalisanayd ee ay yeelato dawlad Afrikada madow ahi.

Lacagta Koonfurta Sudan ay dhaqan gelisay waxa ay ka kooban tahay todoba nooc oo ah bank note mana laha wax jajab ah.

Qiimaha sarrifka ee bangiga dhexe dalku u gooyey lacagtan ayaa ah 1 Doolar ee Maraykan ah in lagu sarrifo 2.69 lacagta Koonfurta Sudan ah.

southsudan1

Lacagtan cusub oo muuqaalkeedu aad u qurux badan yahay, kana samaysan warqad aad u tayo badan waxaa lagu soo daabacay Ingiriiska.

 

 

Saamaynta ay lacagta cusubi ku yeelatay xidhiidhka Koonfurta Sudan iyo dalkii ay ka go’day ee Sudan:

Bangiga dhexe ee Koonfurta Sudan ayaa ku dhawaaqay dhaqan gelinta lacagtan cusub laba maalmood uun kadib markii dalku uu u dabbaal degey dawladnimadii uu kaga go’ay dalka Sudan intiisa kale, arrintaas ayaa ay dawladda Khartuum ku tilmaamtay, tallaabo lagu wax yeellaynayo qiimaha lacagta dalka Sudan. Afhayeen u hadlay xisbiga Mu’tamar Alwadani ee talada dalka sudan haya ayaa sheegay in labada dhinac ay hore ugu heshiiyeen in kala go’a kadib ay labada dalba muddo lix bilood ah sii wadaan isticmaalka lacagta hore ee dalku wada lahaa. Arrintan ayaa lagu doonayey in lagu dhimo khasaaraha dhaqaale ee ka dhalan kara marxaladdahan kala guurka ah.

South_Sudan_currencyDawladda Sudan oo ka jawaabaysa tallaabada dalka Koonfurta Sudan sida dhaqsaha ugu dhaqan geliyey lacagtiisa ayaa uu madaxweyne Cumar Xassan Albashiir waxa uu isna si degdeg ah ugu dhawaaqay in dalkiisu uu beddelayo lacagtii hore, isaga oo weliba dhaqan gelinta isticmaalka lacagtaasna u qabtay muddo ka yar waqtiga saddexda bilood ah ee ay Koonfurta Sudan u qabatay kala wareegga labada lacagood. Albashiir waxa uu ka gaabsaday in uu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo lacagta cusub ee ay Sudan soo daabacanayso.

 

Dhanka kalana guddoomiyaha bangiga dhexe ee dalka Sudan Md. Maxamed Zabayr ayaa ka dalbaday dawladda Koonfurta Sudan in ay dalkiisa u soo celiso lacagtii hore looga isticmaalayey Koonfurta ee dalka Sudan, maadaama oo aanay hadda wax qiimo ah ku fadhiyin, lacagta ay labada dhinac ee Sudan isticmaalayeen eek u wareegaysay dhanka koonfurta ayaa lagu qiyaasayaa illaa 700 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Suuqyada magaalada Juba ayaa si weyn loogu dhex arkayaa lacagta cusub oo dhex wareegaysa, iyada oo qiimo isku mid ah la isugu beddelayo lacagta cusub iyo tii hore ee dalka Sudan.

 

Axmed Saalax

Juba

Comments are closed.