Dawladda Somaliya Oo Weerar Farogelin Ah Ku Soo Qaaday, Eedna U Jeedisay Shirka Awdal Hawlo Ka Wadda

0
559

1Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliya ee Muqdisho ayaa si toos ah weerar ugu soo qaaday shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha oo lagu magacaabo ARC oo hawlo macdan baadhis ah ka wadda gobalka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Baatroolka iyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliya, ayaa waxa ay dawladda Somaliya dawladda Shiinaha ugu baaqday inay xidhiidh la soo samayso shirkadaas oo heshiis la gashay dawladda Somaliland. “Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia waxay si dhaw ula socotaa dhaqaaqa shirkadda ARC oo Shiine laga leeyahay taas oo waayahan danbe si sharci darraah macdan baadhis iyo qodis uga wada Buuraha Simoodi ee Gobolka Awdal. ARC hawlaha sharci darrada ah ee ay wado waxay abuurtay xasilooni darro soo wajahday degaanadaas kadib markii ay qoratay boqolaal meleeshiyaad ah oo ilaalinaya shirkadda iyo shaqaalaheeda islamarkasna ay bara kicisay dadkii iyo duunyadii deegaankaas ku noolaa.” Ayay dawladda Somaliya ku tidhi qoraalkeeda.

Waxa ay dawladda Somaliya farriin u dirtay dawladda Shiinaha oo ay ugu baaqday inay shirkadaheeda uga digto heshiisyo aanay dawladda Muqdisho ka war hayn.

Waxa kale oo ay dawladda Somaliya aflagaadaysay shirkadan, iyadoo tilmaantay inay jiraan shirkado sun aasa. Hadalkan qoraalka ah ee ay dawladda Somaliya soo saartay ayaa u muuqda mid si cad uga horimanaya heshiiskii u dambeeyay ee ay Somalialnd iyo Somaliya Djibouti ku kala saxeexdeen oo qodob ka mid ahi uu dhigayay in la dhiirigeliyo arrimaha horumarka iyo mashaariicda.