“Madaxweynaha Iskaamu Fiicnayn, Ee Ilaahay Sharkiisa Ha Innaga Hayo..” Faysal Cali Waraabe

0
605

Hargeysa (Geeska) –  Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa hambalyeeyay go’aankii ay Golaha Guurtidu ku waafaqeen guddida doorashooyinka ee ahaa in ay doorashoyinka wakiillada iyo deegaanku ku dhacaan 31-ka bisha May ee sanadkan 2021.

Sidoo kale, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa  Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ku bogaadiyay meelmarinta go’aamada guurtida iyo guddida doorashoyinka “Waxaan hambalyaynayaa Guurtida, anagu Guurtida isku maanu fiicnayn, shalayto Ilaahay baa khayrkii waafajiyay, waanu u ducaynaynaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Madaxweynaha ku bogaadiyey meel-marinta Wakhtiga doorashada la qabanayo iyo bixinta Xukuumadda ee kharashaadka lagu socodsiinayo doorashada “Madaxwaynaha isku maanu fiicnayn, laakiin Maanta isagu wuu siidayay (Wakhtiga doorashada), lacagtiina wuu bixiyay, Ilaahay khayr kiisa ha ina siiyo oo sharkiisa ha inaga hayo.”

Guddoomiyaha ayaa cabiray sida uu ugu han-wayn yahay in doorashadani noqoto mid isbeddel u horseedda Somaliland “Doorashadan Maanta waxaanu doonaynaa in aynu wadankeena oo dhan isbadal wayn ku samayno, dad xilkas ah oo Ilaahay ka baqaya in aynu soo saarnan doonaynaa.”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID, waxaanu intaa ku daray in Somaliland ka shaqaynayso sidii Gaasta laga soo saaray dhulka Kililka shanaad ee Itoobiya laga dhoofiyo Somaliland “Wixii ka soo dhaca Kililka shanaad waa inuu innaga inagu dhacaa, maaha inuu Jabuuti gaadho, Gaasta (Kililka) waxaanu doonaynaa in Berbera laga dhoofiyo, hawsheedana waanu galaynaa, taasina waxay ku imanaysaa Dawlad wanaag, in Dawlad wanaagsan la dhiso, Nabadgalyada aynu haysano oo aynu xoojino, Dadkeena oo is jeclaada oo is ogolaada..”

Faysal ayaa hadalkan ka sheegay Munaasibad uu kaga qayb-galay Magaalada Berbera.

 

Geeska.net/Hargeisa Office