Madaxweynaha Faransiiska Oo Shaaciyey Sirta Ku Jirtay Gacan Qaadkii Qallafsanaa Ee Isaga Iyo Trump Dhex Maray

0
727

Paris (Geeska)- ‘Gacan bir ah’ waxa ay ahayd ereyga ugu sahlan ee ay warbaahintu u adeegsatay tilmaamidda salaantii maalmo ka hor ay isku gacan qaadeen madaxweyneyaasha Maraykanka iyo Faransiiska oo ku kulmay xarunta danjiraha Maraykanka ee magaalada Brussels dalka Beljam.

Muuqaallada kala duwan ee ay warbaahintu ka soo tebisay labada hoggaamiye oo kulan qado ah khamiistii toddobaadkii hore isugu yimid ayaa deymada koowaadba laga dareemayey gacanqaad inta caadiga ah ka xoog badan oo ay si u muuqata badheedh labada hoggaamiye isku salaameen. Waxa aana ka dhashay dareen laga dheehanayo jawaabaha iyo fallooyinka kala duwan ee ay dadku ka bixinayeen, kadib markii baraha bulshada ku kulanto si aad ah sawirrada la isugu dhaafsaday.

Sida oo kale warbaahinta reer galbeedka ayaa sawirradan faallooyin iyo doodo kala duwan ka samaysay, iyaga oo si gaar ah hoosta uga xariiqaya qaabka uu madaxweynaha dhalinyarada ah ee Faransiisku uga buuxsaday gacanta madaxweyne Trump, oo lagu tilmaamay ‘gacanqaadkii xogga badnaa’ ayaa sida laga arkayey muuqaallada xitaa waxaa la dareemayey in madaxweyne Trump uu dareemay xoogga uu wiilka da’da yari ku hayo, iskuna dayey in uu gacantiisa dib ula baxo, laakiin taas waxaa ogolaan waayey madaxweynaha Faransiiska oo xooggii uu ku hayey gacanta Trump ku sii xejistay. Sawirka ugu caansan ee arrintan tilmaamayaana waxa uu ahaa kan la socda qormadan uu Geeska Afrika turjumay oo laga dareemayo in labada nin mid kastaa ilkaha qaniinsan yahay, taas oo muujinaysa xoogga uu isticmaalayo.

Sirta ku ku jirtay salaantan sida aadka ah caanka u noqotay, waxaa ugu dambayntii bidhaamiyey madaxweynaha dalka Faransiiska Macron oo warfidiyeen ka tirsan Joornaalka Le Journal Du Dimanche oo ka soo baxa dalka Faransiiska oo su’aalo la xidhiidha kulankaas ka waraystay.

Macron waxa uu sheegay in gacanqaadkaas kamaraduhu sawireen, ee isu ururiyey faraha madaxweyne Trump, xoogga uu Macron u hayo awgeed, in aanu ahayn gacanqaad caadiya, balse uu isagu uga jeeday in uu Trump u diro farriin cad oo nuxurkeedu yahay in uu yahay, “Nin hal-adayg leh, oo tanaasul aan ogolayn. Xitaa haddii ay tahay mid iska astaan iyo faraguudkoodka, isla markaana aanu ogolayn in arrimo si sahal ah lagu dhaafiyo” ayaa uu yidhi Macron.

Macron oo dhowaan uun xilka madaxweynaha Faransiiska loo doortay ayaa caddeeyey in gacanqaadkaasi aanu ahayn mid iska yimid si aan ku talogal ahayn, laakiin uu ahaa mid uu badheedh u sameeyey oo ahaa farriin uu Trump u sheegayey in aanu ogolaan doonin arrin si dhayal ah lagu dhaafin karo.