Hargeysa Oo Laga Xusay Sannad Guurada 32aad Ee Ka Soo Wareegtay Dhagaxtuurkii UFO

1
659

 

Picture3Hargeysa(Geeska )-Xuska Sanad Guurada 32-naad ee ka soo wareegtay Maalintii Dhagax tuurka Dhalinyarada UFO, ayaa lagu qabtay beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.

Xuska maalintan ayaa ah mid Somaliland laga xuso sanad kasta waxaana inta badan lays xasuusiyaa in dhalinyaradaasu ay sameeyeen dhiiranaan isla markaasna ay markii hore isu taageen sidii ay dhulkooda wax u tari lahaayeen, isla markaasna ay sidaas loogu gaystay xadhig iyo dil labadaba.

Ugu horayntiina waxa dadka xuskayn samaynaayay ay wadada hal bawlaha ah ee magaalada Hargaysa ay ku soo mareen socod, waxaanay yimaadeen goobta uu ka dhacay dhagax tuurkaasu, waxaana dadka xuskan ka soo qabgalay oo dhalinyaro u badnaa hor ka caayay wasiirada wasaaradaha Waxbarashada iyo Ciyaaraha,Marwo Kaltuun Xaaji Daahir ,Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani.

Haddaba ugu horayn waxa halkaas ka hadlay gudoomiyaha ururka dhalinyarada Sonyo Mubaarik Ismaaciil Taani ,oo kalkaas ka xusay maalintan iyo qiimaha ay ku tagantahay dhalinyarada Somaliland guud ahaan isaga oo tacsi u diray intii ku geeriyootay qoysaskooda,halkaasna ku xusay wiilkii  ugu horeeyay ee ku dhintay dhagaxtuurkaas oo ay dileen ciidamadii Siyaad Bare. Gudoomiye Mubaarik Taani  waqxa hadaladiisa kamid ahaa “Maanta dalkeenu wax uu haystaa dawlad madxbanaan oo wax la qaban karaysa una heelan in ay dhalinyaradeeda wax la qabato horuna mariso in ay duruufuhu xidhaan mooyaane , hadaba waxaan dhalinyarada u soo jeedinayaa in ay gacmaha is qabsadaan una soo jeestaa wadan kooda iyo waliba wadaniyada.”

Waxa Kale Oo Halkaas Kahadashay Marwadii Hore Ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Kaltuun Xaaji Daahur Oo Halkaas Tacsi Uga Dirtaya Intii Ku Dhimatay eheladooda isla markaasna hambalyo u dirtay dhalinyaradii soo qabanqaabisay munaasibadan hadladeediina waxaa ka mid ahaa “Maanta aad ayaan ugu farax sanahay iyda oo aan sidii ay u waynayd aan loo waynay. maalintii aanu dhagaxa tuuraynay waxaan lahay ama aanu dhimano ama aanu dhacsano,waa ilaahay mahadii mar hadii laga soo gudbay ,waxaan dhaliyarada leeyahay ilaashada xoriyadiina wax maanta ay u dhadhamaysaa qof gumaysi soo arkay  laakiin idinku waxba kama garanaysaan.”

Ugu danbayntii wax halkaas ka hadlay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Md.Cali Siciid Raygal waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Run ahaan farxad ayay ii tahay in aynu u dabaal dagno malin qiima wayn kule dhalinyarada Somaliland iyo waliba guud ahaan dalkeena, wax kale oo farxad inoo ah in manta aynu ku dabaaldagno in dhulkii aan cidi istagi jirin ama laba qof kuwad hadli jirin ee lagu cabudhin jiray laguna cadaadin jiray in manta aynu ku naalonayno nabad galyo iyo xoriyad,waxaan ila tahay shaqsi kasta intaas ayaa kaga filan  guusha ay maalintani horseeday.”

Comments are closed.