“Doorashadu Ku Joogsan Mayso Hal Urur Oo Qaadacay”

1
3197

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad uu ururkiisu ku soo bandhigayay murashaxixiin ururkiisu  soo bandhigay, ayaa sheegay inaanay doorashada goleyaasha deegaanku u baaqsan soonin hal amaba laba urur siyaasadeed oo qaadaca ka qayb galkeeda.

 

Md. Cirro, wuxuu sheegay in ka sokow urur siyaasadeedka UDUB ee doorashada qaadacay laga yaabo inay kuwo kalena qaadacaan, balse aanay wuxuu sheegay inaanay doorashadu dartood u baaqan doonin. “Waxa jira Xisbi sheegay inay qaadaceen doorashada, malaha qaar kalena way qaadici doonaan, laakiin Somaliland doorashadeedu way qabsoomaysaa”ayuu yidhi waxaanuintaas raaciyay “Doorashada Somaliland hal urur oo qaadacay ku joogsan-mayso”

Guddoomiye Cirro tallo ku soo jeediyay in la ilaaliyo nabadgelyada dalka isagoo farriin u diray hay’adaha ammaanka“Waxaan leeyahay aynu nabadgalyada ilaalino, waxaan kula dardaarmayaa hay’adaha Amniga dalka inay xil iska saaraan in qof waliba xaqiisa cod bixinta helaan”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “WADANI ajandihiisa koowaad waxa weeye in dalkani helo ictiraaf buuxa, Isha Allaahu waynu heli doonaa, dadka ayaa nagala shaqayn doona, waanaynu ku guulaysan doonaa.”

Hadalka guddoomiye Cirro ayaa ku soo beegmaya wakhti uu xisbiga UDUB maalintii labaad ku celiyay inuu doorashada qaadacayo.

Comments are closed.