“Waxa Lagu Heshiiyey In Doorasho Loo Dareero..”

0
774

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si kooban uga hadlay Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaannada ee la qorsheeyay inay sannadkan gudihiisa ka dhacaan Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici oo Shalay Magaalada Gabiley kaga qayb-galay Munaasibad Dawladda Hoose ee Gabiley ku soo bandhigaysay Mashaariic ay fulisay, ayaa sheegay in lagu heshiyey in doorashadu dalka ka qabsoonto oo loo dareero, dhibaatana aanay jirin.

Madaxweyne ku-xigeenka oo markii Munaasibaddu dhamaatay ay Suxufiyiintu waydiiyeen arrimaha la xidhiidha Saami-qaybsiga iyo doorashooyinka, ayaa si kooban u sheegay in lagu heshiiyey in doorashada la galo “Doorasho ayaa loo dareerayaa.” Ayuu yidhi, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Waxa lagu heshiiyey in doorasho la galo..”

Maalmihii u dambeeyay waxa Gobolka Awdal ka taagan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo Bulsho, kuwaasi oo dhamaantood la xidhiidha Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada oo reer Awdal doonayaan in la sameeyo ka hor doorashada Golaha Wakiillada oo la muddeeyay in la qabto sannadkan gudihiisa.

Toddobaad ka hor, waxa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Xafiiskiisa ku qaabilay Madax-dhaqameed ka socday Gobolka Awdal, waxaana sida la soo weriyey Madax-dhaqameedkii ku kala qaybsameen soo jeedinta Madaxweynaha iyo Madaxda Axsaabta siyaasadda oo ahayd in Doorashada Golaha Wakiillada lagu galo sidii 2005-tii.

Tabashada reer Awdal ee Saami-qaybsiga ayaa sii laba-kaclaysay markii Xisbiyada Somaliland ku heshiiyeen.