Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Dhalinyarada Uga Digay Dhaqan-xumada, Baaqna U Diray Waalidiinta

0
559

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa ku baaqay in aad loo ilaaliyo taribiyada iyo akhlaaqda ubadka, lagana feejignado wax kasta oo lid ku ah dhaqanka diinta islaamka,waxaanu si gaar ah tallooyin ugu soo jeediyey Waalidiinta.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Inagu mar haddii aynu nahay dad muslim ah, dadka dalkeena u badani maanta waa dhalinyarada, markaas in akhlaaqda iyo asluubta dhalinyaradeena ay mar walba inoo hagaagto inaga ayey dani inoogu jirtaa, markaas dhalinyaradeena oo iskugu jirta hablo iyo wiilalba iyo sidoo kale dadkeena kaleba waxaa loo baahan yahay in mar walba iska ilaalino wax kasta oo nusqaan inagu keenaya,waliba waxaan ku baaqay in baraha bulshada aad looga feejignaado, oo inta badan dhalinyaradu isticmaasho, waxaana leeyahay dhalinyarada iyo cid kastaba haddii aad isticmaalaysaan dhinaca khayrka iyo wanaaga u isticmaala, oo dhinaca sharka ha u isticmaalina”.

Mar wuu baaq u diraayey Waalidiinta wuxuu yidhi “Waalidiinta waxaan u soo jeedinayey inay mar walba la socdaan xalaada ubadkooda, oo waliba si joogto ah uga war hayaan hadba xaalada ay ku sugan yihiin ubadkoodu”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office