Baaq Tahniyad Ah Oo Ku Socda Madaxweynaha

0
866

 

odayAniga oo ku hadlaaya magacayga iyo kan shaqaalaha deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobolka Sanaag, waxaan tahniyad iyo bogaadin u dirayaa madaxweyaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo marwadiisa koowaad ee jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Waris iyo waftigiisii, taas oo aan ku tahniyadaynaayo safaradii isdaba jooga ahaa, laga soo bilaabo sanadkan horaantiisii ee ay ugu anbabaxeen dalalka jarkeena ah sida Jabuuti, Itoobiya, wadanka boqortooyada Ingiriiska, wadamada gacanka carabta ee ayka mid yihiin Kuwayd iyo Imaaraadka, taas oo ka turjumasa dadaalka uu madaxweynuhu ugu jiro aqoonsiga jamhuuriyada Somaliland sidii uu uga midho dhalin lahaa iyo sidii ay uga mid noqon lahayd jamhuuriyada Somaliland beesha caalamka.

Waxaan madaxweynaha iyo xukumadiisa ku tahniyadaynayaa siday ugu hawlan yihiin aqoonsiga Somaliland, siday ugu fadhiisan lahayd kursigay xaqa ugu leedahay beesha caalamka ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa. Waxaa xusid mudan bishan 8-9 July markab ay leeyihiin ciidanka bada ee boqortooyada Ingiriisku inuu ku soo xidhay dekeda caalamiga ah ee Berbera, taas oo markabka dushiisha lagu casuumay madaxweynaha JSL,  taas oo konton sano ka dib aan dhicin sidii aynu xornimada uga qaadanay ingiriiska 26 June 1960. Wuxuu arinkaasi ka markhaati kacayaa xidhiidhkii iyo saaxiibtinimadii inaga dhaxaysay Ingiriiska inay soo noolaatay. Sababtoo ah kal soonida ay ku qabaan dawlada reer galbeedku gaar ahaan Ingiriiska wax qabsigeena iyo dimuquraadiyada ka hir gashay Somaliland. Iyada oo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland uu ka mid yahay inta fara ku tiriska ah ee Ingiriiska waxbarashadoodii iyo mabaadioodii ay ku jirto qolaalka kaydka ee boqortooyada Ingiriiska, iyada oo ay markhaati u tahay markabkaa kalsoonida ugu soo xidhay Berbera 50 sano kadib. Taas oo aan hore u dhicin intii ay joogeen madaxweynayaashi ka horeeyey ee Somaliland.

 

Waxa xusid mudan safarkii u danbeeyey ee madaxweynaha iyo waftigiisa lagu casuumay kana qayb galeen xuskii wanqalka ee Koonfurta Suudaan ay kaga qaadatay xornimadeediii kana goday xukumadii waqooyiga ee Suudaan ee kharduun. Taas oo madaxweynaha JSL iyo waftigiisa lagu soo dhaweeyey maqaam ka sareeya maqaamkii lagu soo dhaweeyey madaxweynayaasha qaarkood, calankeenuna uu ka dul wal hanaayey calamaanta dawladaha dhexdooda.

 

Waxaan bulshada reer Somaliland ku boorinayaa inay madaxweynaha iyo xukumadiisa gacan buuxda lagu siiyo dedaalka balaadhan ee guuraha iyo galab carawga ah ee ay ugu jiraan aqoonsiga JSL, sidaas darteed in laga ilaaliyo lagana daayo doco-docayska siyaasadeed, laguna taageer kalsooni buuxdana la siiyo sidii ay u fulin lahaayeen hawshooda gudo iyo dibadba, waana taynu u dooranay. Waxaan mar labaad bulshada reer Somaliland ugu baaqayaa far kaliyi fool ma dhaqdo (Gacmo wada jirbay wax ku qabtaan) hala taageero dedaalka xukumada

 

Qore: Xuseen Cismaan Xasan (Xuseen Talaahi)

Isu-duwaha Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Gobolka Sanaag