Madaxwayne Siilaanyo Oo Qaramada Midoobay Kala Hadlay Heshiiskii Hawada Ee La Jebiyay

4
665

Picture3Hargeysa (Geeska) – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan hawlaha horumarka iyo bani-aadamnimada ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Mr Philippe Lazzarini, kaasi oo ka mid ahaa wefti balaadhan oo ka socday dalalka Qaadhaan-bixiyaasha oo doraad dalka yimid

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo kulanka Madaxwaynaha iyo sarkaalkan ka dib saxaafadda la hadlay ayaa faahfaahiyey waxyaabihii ay ka wadahadleen labada dhinac, waxaanu sheegay in kulankaasi lagu soo qaaday sida Barnaamijka “New Deal” ee dhawaan lagu kala saxeexday dalka Biljamka iyo doorka uu horumarka Somaliland ka qaadanayo.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay inay Philippe Lazzarini, soo wada qaadeen maamulka hawada oo hore Somaliland iyo Soomaaliya ugu heshiiyeen inay si wada jir ah u maamulaan, balse ay si gaar ah heshiiskaasi uga baxday Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa Maanta (Shalay) kulan Rasmi ah la yeeshay Madaxwaynaha Somaliland wakiilka jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan xagga horumarka iyo bani-aadamnimada ee Somaliland iyo Soomaaliya labadaba Mr Philippe Lazzarini, oo ka mid ahaa wefti shalay (doraad) dalka yimid, oo dalalka dibadda u qaabilsan isku dubaridka deeqaha Somaliland ay siiyaan, kulan aanu la yeelanay oo Madaxwaynuhu guddoominayeyna waxaanu kaga hadalnay iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha qaramada midoobay iyo Somaliland, khaasatan xagga horumarka iyo mucaawinooyinka, waxa kale oo si faahfaahsan looga hadlay arrinta “New Deal” ee dhawaan lagu kala saxeexday Magaalada Bruselss ee dalka Biljamka iyo doorka uu horumarka Somaliland ka qaadanayo ayaa si faahfaahsan looga hadlay”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay Philippe Lazzarini, kala hadleen sida Soomaaliya u jabisay heshiiskii laga gaadhay Maamulka hawada “Waxa kale oo aad shirka loogaga hadlay arrinta Maamulka hawada oo dhawaan heshiiskii aanu ku galnay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ay Soomaaliya si kaligeed ah uga baxday, arrintaana waxaanu u gudbinay qaramada midoobay u gudbinay dareenka iyo  Jawaabta Somaliland ka bixinayso, waxaanuna ku baaqaynaa in Soomaaliya si deg-deg ah ugu soo noqoto heshiiskii aanu arintaasi ka wada gaadhnay, ee labada geesood ay bishii July ee sanadkan ka wada gaadheen oo ahayd in si wada jir ah ay labada geesoodba u maamulaan, guddi arrintaasi maamula la sameeyo, Xafiisna Hargeysa looga sameeyo, markaa arrintaasi waanu ka hadalnay, dareenka iyo fikirka (Somaliland ka qabtana) waanu gudbinay”ayuu yidhi.

Comments are closed.