Sirdoonka Maraykanka Oo Ku Adkaystay Dhagaysiga Telefoonada Madaxda Dunida

19
703

Washington(Geeska)-Madaxda sare ee Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa hortagay guddgiga Baarlamaanka Maraykanka u qaabilsan sirdoonka, waxayna madaxdaasi difaaceen hawsha ay hayaan.

Madaxda sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in aan si khaldan marnaba loo dhageysan dadka shacabka reer Maraykan iyo waliba kuwa kale ee Yurub, balse madaxa ugu sareeya hay’ada NSA ayaa sheegay in xog badan ay ka helaan wadamada kale ee NATO oo iyagu usoo gudbiya.

Madaxa NSA Gen.Keith Alexander ayaa heegay in hawlaha basaasida ay wadaan ay yihiin kuwo xakameeyey weeraro argagaxiso oo ka dhaca gudaha Maraykanka.

Keith Alexnader ayaa sheegay in dhamaan xogta ay ururiyeen ay ku yimaadaan si sharci ah, xogta kalena ay ka helaan wadamada uu xidhiidhku  ka dhaxeeyo.

Madaxa hay’ada NSA Gen.Keith Alexander ayaa ku eedeeyey warbaahinta reer Galbeedka ee faafiyey xogtii Edward Snowden inay si khaldan u fasireen xogta ay hay’ada NSA hesho oo uu sheegay in badan ay ka timaado wadamada kale oo sirtood usoo gudbiya hay’adaha Maraykanka.

Dhinaca kale Agaasimaha Waaxda Sirdoonka Maraykanka James Clapper ayaa qiray in Maraykanka ay dhageystaan hogaamiyayaasha caalamka, isagoo sheegay in ay muhiim u tahay dhanka sirdoonka in la ogaado go’aamada ay gaadhaan hogaamiyayaasha caalamka arrintaasina ay tahay mid ay sameeyaan dhamaan hay’adaha sirdoonka ee caalamka oo dhan.

Sirdoonka Maraykanka ayaa lagu eedeeyey in ay basaaseen ugu yaraan 35 hogaamiyayaal wadamo kala gedisan oo ay kamid yihiin hogaamiyayaasha Faransiiska iyo Germany.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in la joojiyey dhageysiga telefonka gacanta ee Angela Markel hogaamiyaha Germany, isagoona ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo hawlaha hay’adaha sirdoonka Maraykanka qabtaan.

Waxaa todobaadkan booqasho ku jooga magaalada Washington guddi ka socda Baarlamaanka Midowga Yurub oo kala hadlaya Maraykanka arrimaha sirdoonka iyo basaasida lagu hayo shacabka reer Yurub. Guddigaasi ayaa sheegay inaan marnaba loo dulqaadan karin in shacabka Midowga Yurub ay basaasaan hay’adaha sirdoonka Maraykanka.

Comments are closed.