Madaxtooyada Oo Ka Jawaabtay In Muddo Kordhin Loo Samaynayo Madaxweyne Siilaanyo

0
851

Hargeysa (Geeska)-Madaxtooyada Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey wararka sheegaya in Madaxtooyadu waddo muddo kordhin dambe oo loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici.

1

Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) oo Wargeyska Geeska Afrika arintan ka wareystay ayaa sheegay inaanu jirin qorshe ay madaxtooyadu ku doonayso in muddo kordhin labaad loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo. “Madaxtooyada wax muddo kordhin la yidhaahdo oo laga hadal hayaa ma jirto haba yaraate, waxaana run ah taas ta ka soo horjeeda oo ah caksigeeda ah, oo ah in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) uu aad ugu dadaalayo in Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo 28/3/2017-ka.” sidaas ayuu yidhi afhayeenka madaxtooyadu.

Mar aanu wax ka weydiinay Xildhibaanada ka tirsan Kulmiye ee iyagu muddo kordhinta soo jeediyey iyo inay Madaxtooyadu la mawqif tahay ayaa ku jawaabay “Marka ugu horeeysa Xildhibaanadu Xukuumadda kama tirsana, Xildhibaanadu waa niman madax banaan oo Golaha Wakiilada ayey ka tirsan yihiin, waxaana la kala yahay Xildhibaano iyo Xukuumad, Xildhibaanadu ma matalaan qasriga Madaxtooyada, shaqana kuma laha, wax ay Xukuumadda afkeeda ku hadlayaan iyo waxay Madaxtooyadu kala socoto waxaasi ma jirto.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Qasriga Madaxtooyada ee aanu joogno wax laga hadal hayo oo muddo kordhin ahi ma jiraan, waxaana lagu jiraa dedaalkii ay doorashadu  inoogu qabsoomi lahayd oo Madaxweyne ku xigeenkii, Masuuliyiintii iyo Axsaabtiiba waxay tageen Gobolka Sanaag, oo Diiwaangelintii ka bilaabmayso, markaas wax ku saaban muddo kordhinta oo aan ka maqlay Madaxtooyadu ma jirto, anagaana afka Madaxtooyada ku hadalna, Madaxweynaha ku hadalna, markaas waxba kama jiraan arrintaas.”