Kenya Oo Xidhay 368 Wershadaha Biyaha Sifeeya Ah Iyo Su’aalaha La Iska Weydiinayo Kuwa Somaliland

0
705

Nayrobi(Geeska)-Dawladda Kenya ayaa xidhay in ka badan 368 wershadood oo ah wershadaha safeeya biyaha caagadaha ku jira ee dalkaas laga isticmaalo, ka dib markii ay buuxin waayeen shuruudaha laga rabo tayada biyaha dhammaystiran.

2

Hay’adda dawladda Kenya u qaabilsan tayada ayaa xidhay wershadahan ka dib markii baadhitaan lagu sameeyay tayada biyaha ay soo saaraan oo noqday kuwo aan sax ahayn islamarkaana buuxinin shuruudaha laga rabo biyaha bulshada laga iibin karo.

Talaabadan ay dawladda Kenya qaaday, waxa soo dhaweeyay bulshada Kenya oo dawladooda ku bogaadiyay sida ay u ilaalinayso tayada biyaha shacabka laga iibinayo.

Geesta kale, arrinta tayada biyaha ayaa waxa ay hadda Somaliland ka noqotay mawduuc in badan wax la iska weydiiyo, waxaana Somaliland ka jira wershado badan oo soo saara biyaha caagadaha ku jira, kuwaas oo aanay jirin cid tayadooda hubisay.

Bulshada, ayaa wershadaha biyaha Somaliland ka bixiya faallooyin badan iyadoo qaarkood la dhaliilo qaarkoodna la ammaano. Hase yeeshee ma jirto baadhis madaxbanaan oo weli lagu hubiyay tayada biyaha ay soo saaraan wershadaha Somaliland ka jiraa oo si rasmi ah loo soo bandhigay,  waana sababta ay dad badani walaac uga qabaan biyaha caagadaha ku jira ee suuqyada lagu iibiyo oo muddooyinkan dambe aad u soo badanaya islamarkaana noqday ganacsi caadi ah.

Dad badan ayaa aaminsan inaan si miisaaman oo qiyaas ku fadhida la isugu miisaamin macdanaha kala duwan ee ku jira biyaha, kuwaas oo sababi kara halis caafimaad haddii ay macdanaha kala duwani ku bataan ama ku yaraadaan biyaha.

Si kastaba ha ahaate, inta la helayo baadhis madaxbanaan oo lagu sameeyo tayada biyaha Somaliland, waxa ay dad badani shaki ka qabayaan tayada biyaha wershadaysan ee Somaliland ka jira, waxaana xukuumadda looga baahanyahay inay xil iska saarto sidii loo hubin lahaa tayada biyaha wershadaysan ee shacabkeeda laga iibinayo.