Madaxtooyada Oo Dhaqangelisay Xeerka Kaymaha Iyo Duur-joogta

0
690

Hargeysa(Geeska)-Madaxtooyada Somaliland ayaa dhaqan geilsay xeerka ilaalinta kaymaha iyo duur joogta. Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Mr. Xuseen-deyr ayaa u dhignaa sidan:

mmm

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/WM/249-3775/012016 uu ku Dhaqan-geliyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Xeer Lr. 69/2015.

MADAXWEYNUHU:- 

Markuu Arkay:         Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:         Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:         Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF- 29/673/2015 ee ku taariikhaysan 21/12/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta JSL Xeer Lr. 69/2015

Wuxuu soo saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Ilaalinta      Kaymaha Iyo Duur Joogta ee Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr. 69/2015.”