Madaxii UNOCHA Ee Somaliland Iyo Somaliya Oo Ka Hadlay Hawlgallada Xafiiskaas Intii Uu Maalulayay

5
555

Picture3Hargeysa(Geeska)-Mr.Justin Brady oo ah madaxa xafiiska hay’adaa UNOCHA ee Somaliland iyo Somaliya oo uu dhamaaday wakhtigii shaqo ee xafiiskaas uu gacanta ku hayay, ayaa ka war bixyay xaalada xafiiskaas iyo waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayay.

Mr.Justin Brady waxa uu ka marag kacay in Somaliland u gudubtay marxaladda horumarka,waxaanu sheegay in xafiiska Somaliland ee OCHA la kordhiyay shaqadiisa,isla markaasna ay wada shaqayn la yeelan doonaan Haayada aafooyinka ee NERAD,ayna wada diyaarin doonaan qaabkii ay uga jawaabi lahaayeen abaaraha iyo daadkaba.

Waxa uu masuulkani sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay isaga oo ku sugan xafiiskiisa Hargeysa, isaga oo ugu danbayntana ka war bixiyay kulan ay wada yeesheen madaxweyne ku xigeenka iyo wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay Mr.Justin sidan “Waa Safarkii iigu horeeyey ee aan ku yimaado Somaliland illaa sannadkii hore bishiisii shanaad waxaanu noqon doonaa safarkii ugu danbeeyey ee aan ku yimaado Haragaysa maadaama oo uu soo gabogaboobay heshiiskii shaqo ee aan xafiiskan u hayey(OCHA).Sannad iyo badhkii ugu danbeeyey xafiiska OCHA ee Hargaysa waxa uu balaadhiyey hawl-qabadkiisii shaqo,waxa xafiiska lagu soo  kordhiyey dhawr Shaqaale Ah  oo isugu jira ajaanib iyo kuwo muwaadiniin ah waxaana hadda lagu soo dari doonaa shaqaale kale oo wadaniya, taasina waxa ay tilmaan fiican u tahay hawl-qabadka xafiiska OCHA ee Hargaysa.”

madaxa xafiiska haayada UNOCHA ee Somaliland iyo Somaliya  oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Sida ku cad Wada Hadalkii aan la yeeshay Madaxweyne ku xiggeenka Somaliland iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada, waxa ay arintani Cadaynaysaa  sida ay noogu Banaan Tahay  Fursadaha Waxqabad ee Somaliland, Taasi oo ay marag muujin u tahay in ay Somaliland ka soo gudubtay xaaladii ka soo kabashada oo ay u gudubtay xaaladii horumarka ,iyadoo  halkan ay ka muuqato hawshayada aanu ku kobcinayno xafiiska Nerad Iyadoo  markii hore ay muuqatay koobnaanshaha xafiiska OCHA ee Haragaysa, Laakiin Hadda uu yahay Qorshahayagu in aanu ka hawl-galno hawlaha Horumarka.  Dhawaan waxa jiray guddi ku hawlanayd gar-gaarka aadaminimo kaasi oo wasiirka qorshaynta Qaranku doorkiisa ku lahaa Isla markaana waxa aanu inta badan ku jirnay in Aanu U Diyaar-garowno barnaamijyada horumarineed ee ku aadan xaalada imika taagan. Waxaana ay  Noqonaysaa Haayada NERAD in aanu Wada shaqayn dhaw ka yeelanayno dhinacyada saadaalinta iyo ka jawaabida abaaraha iy daadadka,si aanu jawaab  Deg-deg  ah uga bixino  wixii soo kordha ,  Iyadoo ka jawaabistu ay tahay mid la saadaalin karo iyo mid aan la saadaalin Karin labadaba.Safarkayagii ugu danbeeyey ee aanu ku tagnay Maxamed Mooge( Xarunta bara kacayaasha) waxa uu ka mid ahaa qayb ahaan laba dhinac oo ahaa wajiyada aanu ku eegayno dadka barakacayaasha ah waxaana aanu uga hambalyeynaynaa xukuumadda Somalilad sida wacan ee ay hawshaasi doorkeeda uga qaatay   sidoo kale haayadaha aanu wada shaqaynta leenahay sida NRC oo iyadu ka hawl-gashay in ay barakacayaashaas u qaybisay Hu iyo hoy ay gaalaan .”

Waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday madaxa xafiiska haayada UNOCHA ee Somaliland iyo Somaliya Mr.Justin “Sidoo kale waxa aanu ku hawlanahay sidii aanu wax uga qaban lahayn dhinacyada kale ee khuseeya faya-dhawrka,caafimaadka, waxbarashada iyo waliba dhulka sida hadda noo Qorshaysana Waxa Aanu Horumarka Ka Wada Shaqayn Doonaa Dhinacyada Horumarka Sida Dawlada Iyo Haayadaha, Si aanu dadkaasi uga haqab-tirno Kaalmada  ku aadan noloshooda aas-aasiga ah iyo soo kabashadooda , Iyadoo  qorshaha Ay noogu jirto dib u dajinta barakacayaasha Maxamed Mooge iyo kuwa State Houseka degan .Arimahan Gar-gaarkuna Waa Mid Aan Ku Koobnaan doonin Hargaysa Balse Waxa Qorshahayaga Noogu Jirta Dhamaanba Degmooyinka Iyo Gobolada Dalku Ka Kooban Yahay Sida Ku Cad Shirkii Aanu Madaxweyne Ku Xiggeenka La Yeelanay Waxa Loo Wajihi Doonaa Si Isku Mid Ah.”

Comments are closed.