Duufaanadii Puntland Iyo Roobab Si Xidhiidh Ah Uga Da’ay Gobollada Somaliland

0
1831

Picture4Berbera (Geeska) – Roobab xooggan isla-markaana dabaylo wata oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ka da’ayey dhammaan gobollada Puntland, ayaa geystey khasaare nafeed iyo Mid Maaliyadeed oo baahsan.

Roobabka ayaa khasaaraha ugu badan ka geystey deegaanada xeebaha ku teedsan iyo dhulka miyiga ah ee gobollada Bari, Nugaal iyo Gardafuuy.

Degmooyinka Xaafuun, Caluula iyo Eyl ayaa ah kuwa ugu daran ee ay duufaantaasi sida aadka ah u saameysay, waxaana lagu soo warramayaa in ay gebi ahaanba ciidda ku darsameen tuulooyin dhowr ah oo ku yaalley inta u dhexeysa degmada Eyl oo ka tirsan gobolka Nugaal iyo degmada Xaafuun oo iyaduna ka tirsan gobolka Karkaar.

Inkasta oo aan tirakoob rasmi ah la haynin, haddana Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo shalay Magaalada Garoowe warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay  in roobabkaasi dileen ku dhowaad 100 qof iyo xoolo ay tiradoodu dhowr kun ka badan tahay.

Dhanka kale, inkasta oo khasaare la soo sheegin roobab xiliga ay da’ayaan kusoo beegmeen xili la saadaaliyey roobab duufaano wata ayaa shalay ilaa xalay ka da’ayey deegaano badan oo Somaliland ah, waxaana Magaalooyinka qaarkood saacado badan ka da’ayay roob wata qabow, waxaana maagalooyinka roobabkani ka da’een ka mid ah Magaalooyinka Berbera, Ceerigaabo, Burco iyo Laascaanood iyo weliba deegaanada hoos yimaadda.

Magaalada Berbera, ayaa la sheegay in shalay galinkii dambe ilaa xalay laga qaxay qaybo ka mid ah xaafadaha Dooraale iyo Barwaaqo oo ay ku yaalaan guryaha duugga ahi, ka dib markii dawladda hoose ee Berbera ay dadwaynaha uga digtay in roobabku khasaare keeni karaan.

sidoo kale, Magaalada Hargeysa oo shalay subax ku waaberiisatay cawriir iyo jawi cirku shaqlan yahay, ayaa galinkii dambe ilaa galinkii dambe ee xalay aanu roobku mar kaliya ka istaagin, kaasi oo soo rogay daadad xoogan oo meelaha qaarkood gaadiidka culays ku keenay.

Roobabkan oo sidoo kale ka da’ay Magaalooyin kale oo Borama ka mid tahay, ayaa waxa la sheegay inuuu ugu weynaa roob shalay saacado badan ka da’ayey Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo wakhtiga uu da’ayay iyo awooddiisu cabsi galiyeen dadka deegaankaasi ku dhaqan.

Roobabkan inta badan Magaalooyinka Somaliland ka da’ay, ayaa waxa uu wataa qabow.