“Siyaasadda Kama Baxayo Illaa Aan Ka Urursado $1 Milyan Haddii Aad Lacag Hesho Dadkaba Adiga Ayaa U Talinaya”

0
2309

Picture2Accra (Geeska)- Madaxweynaha dalka Ghana, John Dramani Mahama, ayaa shaqada ka eryey haweenay ahayd wasiir ku xigeenka isgaadhsiinta oo lagu magacaabo Victoria Hammah, kadib markii la helay cajalad sir ah oo laga duubay iyada oo qiranaysa in aanay siyaasadda ka bixi doonin illaa ay urursato 1 Milyan oo doolarka Maraykanka ah. haweenaydan oo lagu magacaabo Hammah waxa kale oo laga duubay ereyo qiraal wax-is-daba marina ah iyo faallooyin ay si ba’an ugu weerarayso xubno ka tirsan dowladda.

Codka wasiiradda ayaa soo shaac baxay markii dhowaan si ballaadhan loogu baahiyey bar-kulannada bulshada ee internetka. “Siyaasadda kama baxayo illaa aan ka urursado Hal Milyan oo doolar. Haddii aad lacag hesho dadkaba adiga ayaa u talinaya” ayaa ay Hammah ku tidhi codkaas la helay.

Arrintani waxa ay weji gabax ku noqotay madaxweyne John Dramani Mahama oo talada dalka ku qabtay doorashooyin uu muran badani ka dhashay, waxa aanay marar badan oo kala duwan mucaaradku ku eedeeyeen in xukuumaddiisu aanay waxba ka qaban musuqmaasuq la tuhunsan yahay in uu ku dhex jiro xafiisyada qaranka ee kala duwan. Hadalka wasiiraddan ayaa markiiba dalkaas oo lagu tilmaamo kuwa ugu fiican Afrika dhinaca dimuqraadiyadda, waxa uu ka dhex abuuray buuq iyo cadho abuurtay xiisad siyaasadeed, gaar ahaan markii mucaaradka dalku uu si weyn uga faa’idaystay hadallada wasiiraddan, wacadna ku maray in uu maxkamadda sare iyo golaha baarlamankaba u gudbin doono cabasho ka dhan ah madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.

Dhinaca kalana waxa uu booliisku xabsiga u taxaabay darawalka wasiiradda sirta laga faafiyey oo lagu eedeeyey in uu isagu si qarsoodi ah u duubay codka wasiiradda, kadibna warbaahinta u gudbiyey, xadhiga darawalka oo lagu magacaabo Lawrence Quayeson waxa uu ku yimi cabasho rasmi ah oo ay Hammah uga gudbisay maxkamadda.

Dalka Ghana, kama mid aha dalalka xagga hore kaga jiray musuq-maasuqa Afrika, mar ay hay’adda caalamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa ee lagu magacaabo TransparenceInternational, andanti-corruptionsoo saartay liiska kala sarraynta musuq-maasuqa ee dunida oo lagu ururiyey 174 dal, Ghana waxa ay gashay kaalinta 64aad, marka qaaradda Afrika la eegana waxa uun ka fiicnaa dalalka Rwanda oo 50aad gashay iyo Namibia oo 58naad noqotay.