Madaxdhaqameedka Beesha Gabooye Oo Socdaal Midnimada Bulshadooda Ah Ku Maraya Dalka

0
566

Picture2Hargeysa(Geeska)-Salaadiinta iyo boqorada beelaha gabooye oo uu waheliyo la taliyaha madaxweynaha ee beelaha la haybsooco, ayaa sodaal dheer oo ay ku marayeen gobalada dalka ka xog waramay, socdaalkaas oo ay ku midaynayeen beelaha gabooye ee wada dagta dalka gudahiisa.

Waftigan ayaa Gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera  kulamo kala duwan kula yeesheen Bulshada Gabooye ee ku dhaqan Magaalada waxaaney halkaas ka sameeyeen Guddida Horumarinta Beelaha Gabooye ee Gobolka Saaxil, Weftigan Salaadiinta ah ayaa waxa uuga sii gudbeen Magaalad Burco oo iyadana ay ka sameeyeen Guddi la mid tan ay Saaxil ka sameeyeen.

Salaadiintan oo uu Hogaaminayo Suldaan Daakir Xassan Khaliif  ayaa waxay ujeedadooda ugu weyn ee Socdaalkoodan ku sheegeen iney tahay sidii Beeshoodu uga dhex muuqan laheyd Sawirka Siyaasada Somaliland oo aaney kaalin miisaaman ku laheyn marka gaar ahaan goolayaasha Qaranka sida Goolaha Xukuumada, Goolaha Barlamaanka, iyo Goolayaasha Deegaanada Dalka oo dhan ka dib markii ay ku guul dareysteen iney soo saaraan Xildhibaano u matala Goolayaasha Deegaanada Dalka Bulshadoodaas taas oo hadda gabi ahaanba aaney hal Xildhibaan ku laheyn Goolayaasha deegaanada Wadanka oo dhan.

Weftigan waxay xooga saarayaan sida uu wargeyska Geeska Afika u Sheegay Lataliyaha Madaxweynaha arimaha bulshada Barkhad Jaamac Xirsi sidii Bulshadan loo mideyn lahaa Taladooda iyo Tamartooda loona heli lahaa wakhtiga soo socda dad uuga Wakiilo ah Goolayaasha Qaranka xoogana loo saaari lahaa Kootadii Madaxweyne Siilanyo ku baaqay in Haweenka iyo Dadka laga tirada badan yahay loo siin lahaa kuraas mucayim ah oo ay ku yeeshaan Goolayaasha Barlamanka iyo Deegaanada Dalka.

Weftigan waxay Shalay Shir aad u balaadhan u qabteen Boqolaal qof oo ka mid ah Bulshada Gabooye ee ku dhaqan Gobolka Sanaag iyada oo Shirkooduna ka dhacay Deegaan ay gaar u leeyihiin Bulshada Gabooye oo ku yaal meel 12 km koonfurta kaga beegan Magaalo Madaxda Gobolkaas Sanaag.

Deegankan oo lagu Magacaabo Ceel Qoray waxaa loogu sameeyey Salaadiinta qado  iyada oo lagu soo galbiyey Qalbi furan iyo caleemo qoyan sidoo kalena lagaga hortagay gawaadhi aad u badan waxaa Weftigani si miisaaman uula hadleen Bulshada Gabooye ee Gobolkaas waxaaney u sameeyeen guddi horumarineed oo ka shaqeysa Arimaha Bushadooda.

Waxaa wax aad loola yaabo ah in ay Beesha Gabooye iskugu timaado Deegaan u gaar ah tan iyo markii Somaliland dhidibada loo taagay Deegankan oo Dhismayaal, Beero, iyo Xoolo badanba leh  waxa is u leh Bulshada Gabooye waana deegaan aad u bilicsan,

Isimida, Garaadada, Salaadiinta Gobolka Sanaag ayaa waxay Qado Sharaf u sameeyeen Salaadiinta Gabooye waxaaney hadda ku sii jeedaan Gobolka Awdal oo ay Safarkoodan ku soo gunaadadi doonaan, iyada oo ay Shirweyne aad u balaadhan ku baaqeen kana soo saari doonaan qodobo aad mihiim u ah sida uu sheegay Boqorka Guud ee Beelaha Gabooye ilaa haddana lama garan karo waxa ka soo bixi doono Shirka Beelaha Gabooye ayna soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland isku duubnida ay muujiyeen Bulshadani iyo Taladooda.