Masar Oo Saraakiil Milatari U Soo Dirtay Muqdisho, Una Tukubaysa Weerar Ay Ku Qaado Dhaamka Itoobiya

0
573

Picture4Hargeysa(Geeska)-Dawladda Masar ayaa u muuqata inay diyaar garow ugu jirto sidii ay u burburin lahayd biyo xidheenka weyn ee ay dawladda Itoobiya dhismihiisa waddo, kaas oo ay dhawaan sheegtay inay u leexin doonto wabiga Niil.

Kulan ay dawladdda Masar Isniintii doraad  u qabatay siyaasiyiinta dalkaas, ganacsatada iyo ardayda jaamacadaha ayaa lagu faaqiday talaabada Masar la gudboon. Kulankaas oo aan dadkii ka qayb galay loo sheegin in si toos ah looga baahinayo telefishanka qaranka Masar, ayaa waxa laga soo jeediyay hadalo u badnaa iclaamin dagaal, kuwaas oo markii la ogaaday in si toos ah loo baahinayo dhaliyay dareeno badan.

Mid ka mid ah siyaasiyiinta reer Masar ee hoggaamiya xisbi Islaami ah, ayaa soo jeediyay in dawladda Masar ay taageero u fidiso kooxaha ku kacsan Itoobiya si loo saaro culays, halka uu siyaasi kalena soo jeediyay in loo diro diyaarado dagaal oo burburiya dhaamkaas, halka uu hoggaamiye siyaasadeed oo kale isna daboolka ka qaaday dareen isa soo tarayay oo sheegaya inay Masar soo iibsatay hub milatari oo ay ku weerarto biyo xidheenkaas Itoobiya.

Hase yeeshe wakaaladda wararka ee AP, ayaa baahisay inaanu Madaxweynaha Masar oo kulankaas goob joog ka ahaa halkaas kaga jawaabin soo jeedimahaas. Waxase uu Itoobiya ugu digay inaanay dawladiisu ogolaan doonin in la dhimo hal kabo oo ka mid ah biyaha webiga Niil ee masar u taga. Madaxweyne Maxamed Mursi, oo bartiisa twitterka ku qoray hadal kooban, waxaanu ku hanjabay inay Masar talaabo qaadi doonto haddii hal dhibic ay iska dhimaan biyaha uga yimaada webiga Niilka.

Geesta kale, saraakiil Milatari oo reer Masar ah ayaa salaasadii shalay gaadhay caasimadda Somaliya ee Muqdisho. Saraakiishan reer Masar oo ah Janaraalo, waxa madaarka Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiirul dawlaha madaxtooyada Somaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir, oo ah gacanyaraha madaxweynaha Somaliya, isagoo sheegay inay saraakiishani u yimaadeen sidii ay tababaro u siin lahayeen ciidamada Somaliya.

Hase yeeshe dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in safarka saraakiishani uu la xidhiidho khilaafka biyaha ee ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya, iyadoo uu safarkoodu ku soo beegmayo xilli ay xaaladda labadaas dal sii xumaanayso, waxaana la aaminsanyahay inay Masar Somaliya ugu tallo gashay inay u noqoto goob siyaasadeed oo ay ku cabsi geliyaan Itoobiya.