Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Iyo Wasiirada Ciyaaraha Iyo Madaxtooyada Oo Ay Doodi Ku Dhex Martay Tahriibka

0
619

Picture5Hargeysa (Geeska) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo Guddoomiyayaasha Xisbiyadda Mucaaradka ah, ayaa xalay ka wada qayb-galay dood laanta afka Somaliga ee idaacadda VOA ka qabatay aafada Tahriibka oo bilihii u dambeeyay Somaliland aad ugu soo kordhay. Waxa munaasibadaas furay madaxda VOA Somali Cabdiraxmaan Yabarow oo ka hadlay aafada tahriibka iyo ujeedada doodda oo uu ku sheegay inay tahay in dhallinyarada loo iftiimiyo mashaakilka yaala dalalka ay u hayaamayaan.

Wasiirrada iyo Guddoomiyayaasha xisbiyadda Mucaaradka ah, ayaa siyaabo aad u kala fog uga hadlay aafada Tahriibka iyo waxa keenay, waxayna Wasiirradu ku doodeen in dadka Tahriibayaa yihiin dadka intooda dhaqaale ahaan awoodaysa iyo ganacsatada qaarkood, halka Guddoomiyayaasha xisbiyadu ay sheegeen in taasi muujinayso inay dadku rejo beel ka qaadeen xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo.

Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, oo ka hadlay madasha dooda lagu qabtay ayaa sheegay in 85% dadka Tahriibayaa yihiin dad lacag haysta “Waxaanu samaynay koox soo eegta dadka Tahriibaya kuwa ay yihiin iyo sida ay u tahriibayaan, waxaanu ogaanay in 85% dadka Tahriibayaa aanay ahayn dad shaqo la’aani hayso, waxaanu ogaanay in dadka ganacsato ah oo Yemen iyo Sucuudiga adhiga u dira oo Tahriibay” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Had iyo jeer dadka Mucaaradka ah ee xukuumadda dhaliila ayaa waxay yidhaahdaan dadkii shaqo la’aan ayay u Tahriibeen, waa arin xaqiiqada ka fog, iyagga laftoodana nin walba waxa uu doonayaa inuu cod ka helo (Doorashada) inuu dad hago ayaa la doonayaa, waxaan kula talinayaa in aanay ka qayb-qaadan mushaakilka Tahriibka oo aanay dadka ku wacyi-galin waar waddanka waxba ma yaalaane Tahriiba, waxaanan leeyahay Mucaaradka xaqiiqada ku soo dhawaada”

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isaguna halkaasi ka jeediyay hadal uu ku soo bandhigayo waxqabadka xukuumadda isla-markaana uu ku difaacayo inaan xukuumaddu masuul ka ahayn Tahriibka sii kordhaya ayaa yidhi “Tahriibku waa aafo qaranka soo waajahday oo u baahan in si mugle wax looga qabto, waxa laga yaabaa in badan in la buunbuuniyey Tahriibka, laakiin waxaan qirayaa in tiro badani baxday (Tahriibtay), xukuumad ahaan inta aanu Tahriib ka soo celinay ee hay’addaha amaanku soo qabteen waxay gaadhayaan 140 qof oo Tahriib loogu tallo-galay. Aafadan may kalifin oo kaliya baahi iyo mushkilad siyaasadeed oo maanta qaranka haysata, dadka Tahriibayaana waa dad dhaqaale haysta, dadka wax Tahriibinayaana waxay Tahriibinayaan dadka lacagta haysta, haddii la yidhaahdo xukuumaddu ma wax ma ka qabatay aafadan, haa waanu qabanay oo 140 qof ayaa Tahriib laga soo celiyay, waxaana gacanta lagu hayaa 15 xubnood oo kuwa dadka Tahriibiya ah, qaarna la xukumay, qaarna sharciga sugayaan, qof kasta oo lagu qabtana tallaabo adag ayaanu ka qaadaynaa (Tahriibiyayaasha)”

Wasiir Xirsi, waxa kale oo uu sheegay “Indhihii caafimaad qabaa way arkayaane waxaanu suurto-galinay wax qabad balaadhan oo aan aaminsanahay inay rejo badan ku abuureen muwaadiniinta, waxaanu qabanay waa wax aan la dafiri Karin, wadooyinkaa, dekedahaa iyo madaaradaasi, anagu dhagax been ah meel ma dhigno ee mid dhab ah ayaanu dhignaa, waxaanan aaminsanahay inaanu nahay xukuumaddii waxqabadka iyo horumarka” ayuu ydhi waxaanu intaa ku daray “Waxa laga yaabaa in badan oo siyaasiyiin ah in aanay xanuunka la wadaagayn bulshada ee uu is leeyahay halkaa bugta ee Tahriibka xukuumaddu ku xag, waxaan leeyahay waa dareen qaldan iyo siyaasad aan majuur ahayn haddii uu isku dayo halkaa bugta xukuumadda ku xanuuji, laakiin waxaan leeyahay halkaa bugtaa bulshada ayay xanuunaysaaye nala bogsii”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isaguna doodaa idaacadda VOA qabatay ka sheegay sidan “Waxaan dawladda ku taageerayaa go’aankii ay ka gaadhay ninkii dastuurka Somaliya watay ee ay u diiday inuu xafiis ka furto (UNSOM), go’aankaasina go’aan fiican-buu ahaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo deba socda Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland “Raysal-wasaare Xirsi wuxuu inoo sheegay qorshihiisa Madaxwaynenimada ayuu inoo akhriyey, maalmo dhawayd waxaan arkayey isaga oo wadooyin dhigaya dhagaxaane ololahani goor-muu bilaabmay, wuxuu yidhi haddaynaan kayntan ka guurin Walaahi inay Gorayo heeryeysana soo mari, haddii aynaan waxa jira wax ka qaban, walaahi wax kasta waala inoola iman, dadkii yaacay markay naf waayeen ayaa eedii la saarey, Xamar ma Yurub-baa, Xamar-baa loo yaacayaaye, markii aan Nairobi tagay waxa la ii sheegay in dhalinyarada huteelada Xamar ka shaqeeyaa yihiin dhalinyaradii reer Somaliland”

Guddoomiyaha UCID, waxa kale oo uu soo qaaday “Mucaaradka ayaa laga cawday, mucaaradba ma jiro oo imika ayaanu is urursanaynaa, Kulmiye wuxuu ku heesay “UDUB way tagaysaaye ha Tahriibana” Weli miyaa lagu heesay “Kulmiye wuu tagayaaye ha Tahriibina” yaa is gaadhayba” ayuu yidhi waxaanu intaasi sii raaciyey “Waxay inoo caddeeyeen (Xukuumaddu) in dadku wada Tahriibayo, kii xoolaha dirayey iyo kii lacagta haystay, maxay u tahriibayaan, waa rejo xumo”

Guddoomiyaha golaha Wakiilada, ahna Hogaamiyaha Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna yidhi “Tahriibku waa aafo Qaran oo la soo deristay Somaliland, sababta ugu weyn ee ay dhalinyaradu u Tahriibayaan waa rejo beel jira.”

Md. Cirro, waxa kale oo uu ka hadlay imtixaanka sannadkan iyo ardayda u fadhiisanaysa tiradooda oo aad u badan, taas oo leh culays iyo baaxad miisaankeeda leh.

Guddoomiye Cirro, wuxuu hogo tusaaleeyay in 50% dadka tahriibayaa ay yihiin bilaa camal, waxase uu sheegay in wadamada Yurub qaarkood ay dadkoodii ka tahriibayaan ka dib markii ay dhaqaale xumo ku habsatay. Wuxuu dhalinyarada kula dardaarmay inay isu miisaamaan tahriibka ay galayaan iyo xaaladda halkaas kaga horaysa.