Faysal Cali Waraabe Oo Taageeray Go’aanka Ay Xukuumadu Ka Qaadatay Xafiiska UNSOM Ee Qaramada Midobay

0
3715

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay xukuumadda Somaliland ku qaadacday in xafiiskka UNSOM laga furo caasimadda Hargeysa.

 

Md. Faysal Cali Waraabe, wuxuu sheegay in talaabadaas ay xukuumadu qaaday tahay mid la mid ah go’aankii ay ku diiday ka qayb galka shirkii London. “Dawladda go’aankaas waan ku taageraynaa, waxaanu la mid yahay go’aankii ay ka qaadatay shkrii London.” Ayuu yidhi Faysal.

Md. Faysal Cali Waraabe, wuxuu intaas raaciyay in ajandayaasha xafiiska UNSOM ay la xidhiidhaan dib u soo celinta xasiloonida Somaliya, distoor fidinta iyo isku dubaridka mucaawinada dalkaas balse aanu khusayn Somaliland iyo dawladnimadeeda.