Madaxda Ururadu Maxay Ka Yidhaahdeen Xeerka Anshax Ee La Saxeexay?

0
689

 

ururHargaysa( Geeska )- Madaxda xisbiyada iyo ururda siyaasadda ayaa kadib markii ay soo saxeexeen faahfaahinta lagu sameeyay qodobka lixaad ee xeerka doorashooyinka qaranka ee lagu kala saari doona, waxa ay aragtidooda ka dhiibteen sida ay u arkaan qodabkan ay saxeexeen iyo waliba doorashada soo socota.

 

Ugu horayntii ugudoomiyaha urur siyaasadeedka Umadda Maxamed Cabdi Gaboose oo dareenkiisa cabiraaya waxa uu yidhi “Dhamaan Ururada saxeexay may saxeexeen haddaanay u arag inay danta qaranku ku jirto, waxaan doonayaa inaan Ummadda u iftiimiyo in Qodobkan oo ah Saldhiga doorashadda iyo sida Xisbi loogu gudbi karo in laba meelood uu aad uga dhismay oo Goleyaasha Sharci dejintu waxay soo afjareen in cida ka gudbaysa Urur ee uu gudbaysa Xisbi ay noqoto cid ku leh mug Gobolada iyo degmooyinka Dalk oo dhan.”

Dr Gaboose oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “ Sidaa ayaanay ku saleeyeen 20% inuu tartanku ku dhaco, Guddida Diwaangelinta, Komishanka iyo cidii alaale iyo cidii ka soo shaqaysay Xeerkan, waxay soo afjareen muran oo sidii sharcigu saleeyey ayey cadeeyeen ururadii-na wey u sharaxeen” ayuu yidhi Dr Gaboose, waxaanu intaas ku daray “Ururadii iyo Xisbiyadii-na wey ogolaadeen oo wey saxeexeen taas oo macnaheedu waa in cid alaale iyo cida u gubaysa Xisbi ay tahay inay muujiso in Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ku yeelato cod xoog leh oo %20 iyo wixii ka badan ah, taasina ay muujisay inuu yahay Xisbi Dalka oo dhan matali-kara”

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo hadal kooban kaga hadlay aragtida xisbigooda ee xeerkan ay saxeexeen ayaa yidhi“ Doodaayadii iyo talo baxintaydii waanu soo jeedinay, gudiga diiwanglintuna hawshii ay soo maamuleena waanu saxeexanay, sidaas ayay nagaga dhamaatay oo waanu soo dhawaynaynaa.”

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa dhankiisa isaguna dareenkiisa sidan ku cabiray “Maadama oo aanu is nidhi carqalad ayay ku noqonaysaa in lagu celiyo baarlamaanka, xilibaanadiina ay yahiin kuwo furfuran oo xisbiyada iyo ururada ka kala tirsan, sida ay wax u dhameeyaana ay aad u adagtahay, ayaanu tixgalinay shacbiga Somalilandna oo u haraadan golayeesha deegaanka oo muddo dhaafay  in aanan carqalad ku noqon, ayaa ay ururada badankoodu ay isku raaceen, waxaana la yidhi sidii doorashadu ku dhici lahayd yaynaan carqalad ku noqonin.”

Ugu danbayntii xoghayaha guud ee urur siyaasadeedka Wadani Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa si diiran u soo dhaweeyay go’aankan waxaanu ku tilmaamay guul u soo hoyatay dadka reer Somaliland “Waxaan u arkaa guul Somaliland gaadhay, oo ah in ururada wada tartamayaa iyaga oo wax isku ogal inay shir wada galaan, arintaas iyo xeerkaas aanu saxeexnayba waanu soo dhawaynaynaa.”

Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid oo si rasmiya u saxeexay go’aankan ururadu ay ka wada sinaayeen ayaa isaguna dhankiisa tilmaamay in ay go’aankan u taageereen in aan doorashadu dib u dhacin, balse qodabo-badan ay u baahan yahiin in dib u eegis balaadhan lagu sameeyo.