Madaxweyne Farole Oo Cadho Kaga Jawaabay Beelaha Warsengeli Ee Taageerada Kala Noqday Puntland

0
665

 

afka isku qaboGarowe(Geeska)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa go’aan ay cadho ka muuqato kaga jawaabay  go’aan ay Beelaha bariga gobalka Sanaag taageeradii kagala noqdeen maamulkiisa Puntland, kuwaas oo safar ku jooga magaalada Hargeysa ee Somaliland si ay wax ula qabsadaan walaalahooda Somaliland.

 

Madaxweyne Faroole, oo ka jawaabaya odayaasha iyo wax garadka Beelaha Warsengeli ee taageerada kala noqday maamulkiisa, wuxuu shalay xilkii ka qaaday guddoomiye ugu magacownaa gobalka Sanaag oo la yidhaahdo Maxamed Siciid Nuur (Dabayl) iyo taliyihii booliska Puntland ugu magacownaa gobalka Sanaag Mr. Dabaq, waxaanu labadaas xil u magacaabay laba nin oo cusub.

Wareegtadan Madaxweyne Faroole, waxay muujinaysaa sida uu uga xumaaday go’aanka ay Beelaha Warsengeli taageeradooda si rasmi ah ugala wareegeen maamulka puntland.

Wax garadkan reer Sanaag, waxa si weyn u soo dhaweeyay shacabka iyo dawladda Somaliland oo magaalo kasta oo ay soo marayeen jidadka kaga hortagayay, waxaanay hadda ku suganyihiin magaalada Hargeysa iyagoo kulamo la leh xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.