Madaxda Somaliya Oo Ku Dawakhay Madaafiic Habeenkii Ku Dhaca Muqdisho

0
606

Picture4Muqdisho(Geeska)-Madaxda Dawladda Somaliya ayaa si weyn ugu dawakhsan madaafiicda habeenadii u dambeeyay ku hoobanayay magaaladaas, waxaanay ku mashquuleen sidii ay xal ugu heli lahaayeen.

Labadii habeen ee u dambeeyay waxa magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ku dhacayay madaafiic ka soo dhacaya magaalada gudaheeda, kuwaas oo cabsi ku abuuray madaxda dawladda iyo shacabka reer Muqdisho, hay’adaha ammaanka ee dawladaasina kumay guulaysan inay soo qabtaan dadka madaafiicda ridaya. Madaafiicda la ridayaa waxay hal xidhaale ku noqdeen madaxda oo uu u horeeya Raysalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo muddo gaaban xilkaas hayay.

Wuxuu Mr. Cabdiweli shalay isugu yeedhay wasiirka amniga, taliyayaasha ciidamada iyo dhammaan madaxda hay’adaha ammaanka ee dawladiisa. Raysalwasaaraha ayaa  ka dalbaday hay’addaha ku shaqada leh amnigu inay jawaab ka keenaan falalkan amni darrida ah ee dhacay, kuwaasoo khal khal geliyay deganaanshiyaha Muqdisho. “Waan ka xumahay khal khalka iyo cabsida la geliyay shacabka labadii habeen ee la soo dhaafay.” Ayuu yidhi Raysalwasaaruhu.

Si kastaba ha ahaate madaafiicdaasi waxay noqdeen kuwo hurdada u diiday cid kasta oo degen Muqdisho, waxaanay muujinaysaa inaanay dawladda Somaliya weli awood u yeelan inay xukunto gudaha caasimadda ay degentahay ee Muqdisho.