Madaxa La Dagaalanka Budhcad-badeeda Oo Hargeysa Yimi

0
531

Picture3Hargeysa (Geeska)  – Madaxa gudidda la dagaalanka budhcad badeeda oo ay waheliyaan xubno ka socda Qaramada Midoobay iyo midawga Yurub, ayaa soo gaadhay Somaliland; Waftigan yaa ugu horayntii soo indha-indheeyay dekeda Berbera,isla markaasna u soo kicitamay dhanka Hargeysa.

Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade oo ay waftigan shir jaraa’id ku wada qabteen madaarka Hargeysa, ayaa sheegay inay eegayeen xaalada xabsiyada ayna kor u qaadi doonaan awooda ciidamadda ilaalada xeebaha Somaliland.

Madaxa gudidda la dagaalanka budhcad badeeda Soomaalida Donna Leight oo iyadu waftigaas u hadashay ayaa sheegtay inay doonayaan in xidhiidh wanaagsan uu dhex maro Somaliland iyo bah wadaagta kaalmada siisa.

Ugu horayntii wasiirka arimaha gudaha Cali Maxmaed Warancade oo warbaahinta la hadlay waxa uu yidhi  “Halkan waxa maraya wefti ka socda waddamada Maraykanka iyo Ingiriiska oo ah dalalka Somaliland la saaxiibka ah waxaanay u yimaadeen inay eegaan horumarka Somaliland ay gaadhay dhinac walba, waxaanay jecel yihiin inay soo eegaan meelo badan oo ka mid ah dalka iyo inay hubiyaan sida ay yihiin dadka jeelasha ku jira iyo sida loogu xanaaneeyo. Waxa kale oo ay doonayaan inay wax badan ka qabtaan dhinaca ciidamada Bada Somaliland si ay ciidamaddu awood ugu yeeshaan inay ilaaliyaan xuduudaha xeebaha Somaliland  si ay u ahaato meel nabad galyo ah oo laga ilaaliyo budhcad badeeda, waftiganina waa mid balaadhan waxaanan leenahay ku soo dhawaada Somaliland.”

Madaxa gudidda la dagaalanka budhcad badeeda Somaliya Donna Leight oo waftigan hogaaminaysay ayaa dhankeeda iyaduna si kooban u tidhi “Anniga oo ku hadlaya afka kooxda xidhiidhka la dagaalanka budhcad badeeda Soomaaliya, waxa igu weheliya safarkan dalalka Somaliland ka kaalmeeya mashaariicda, kuwo ka socda qaramada midoobay iyo midawga Yurub waanan ku faraxsanahay inaan ku kulano halkan, waxaanan doonaynaa in  xidhiidh wanaagsan dhex maro Somaliland iyo bah-wadaagta kaalmada siisa.”