Guddi Hoosaadyada Golaha Wakiilada Oo Lagu Sameeyay Isku-Shaandheyn Balaadhan

1
570

Picture6Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isku shaandheyn balaadhan ku sameeyay guddi hoosaadyada Golaha Wakiilada, waxaana xildhibaan kasta lagu daray Guddi ka duwan guddidii uu hore uga tirsanaa.

Sida lagu baahiyey Mareegta Baarlamaanka Somaliland, Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland, ayaa isku shaandhaweyn ku sameeyay guddi hoosaasyada kala Golaha Wakiilada, waxaanu Guddoomiyuhu wareegtada isku shaandheynta lagu baahiyey ku sheegay in isku shaandheyntani ka mid ahayd talooyin ka soo baxay kulan Mudanayaasha Golaha Wakiiladu yeesheen kalfadhigii 22-aad.

Guddoomiye Cirro, ayaa sidoo kale sheegay in isku shaandheynta loo sameeyay si loo dardargaliyo habsami u socodka hawlaha Golaha Wakiiladu uu qaranka u hayo.

Wareegtada Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu ku caddeeyay isku shaandheyntan ayaa u dhignayd sidan:-

Guddoomiyaha ayaa qoraalkiisa ku yidhi “

Mudanayaal Iyo Marwooyin.

Tixraac Qod: qodobka 18-aad Farqadiisa 1-aad, 2-aad iyo Faq. 4-aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiilada JSL.

Tixraac Qod: 20-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada JSL.

Tixraac Qod: 21-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada JSL.

Tixraac, talo soo jeedintii ka soo baxday fadhigii xidhnaa ee Golaha Wakiiladu yeesheen Kalfadhigii 22-aad.

Tixraac, Talo soo jeedintii ka soo baxday Adhoc Committee-gii lagu soo Magacaabay fadhigii xidhnaa.

Si loo dardargaliyo habsami u socodka hawlaha Golaha Wakiilada waxax isku shaandheyn lagu sameeyay guud ahaan guddi hoosaasyada golaha wakiilada JSL, iyadoo mudane kasta laga bedalay guddidii uu ka tirsanaa sida lifaaqa ka muuqata, isku bedalkani wuxuu dhaqan-galayaa kal-fadhiga 23-aad bilowgiisa, iyadoo la raacayo xeer hoosaadka golaha. Guddi kastaa iyadaa iska dhex dooranaysa Guddoomiye, Xoghaye iyo (Guddoomiye ku xigeen), Shir-guddoonka ayaa u kala wareejinaya xeerarka qabyo qoraalka ah ee guddiyadii hore hayaan, waxa la codsanayaa inay guddi kastaa ku soo celiso shir-guddoonka xeerarka qabyo qoraalka ah ee ay hayaan”

Comments are closed.