Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Oo Dhexdhexaadintii Guddoomiyaha Guurtida Ee KULMIYE Ku Tilmaamay Mid Ay Reernimo U Gaysay

0
672

Picture8Hargeysa(Geeska)-Eng.Maxamed Xaashi Cilmi ayaa guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamed Aadan ku dhaliilay inuu KULMIYE  qaab reeraysan u dhex galay,arinkaas oo uu ku macneeyay meel ka dhac iyo dar-jiidh.

Waxa uu Maxamed Xaashi guddoomiye Saleebaan u soo jeediyay inuu ku eekaado xilka qaranka uu u hayo,lana wadaago mudanayaasha golaha kula jira doodaha arimaha wax laga qabanaayo. Sida oo kale waxa uu Maxamed Xaashi madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo jeediyay in uu xakameeyo wasiiradiisa isaga oo naqdiyay hadalkii wasiir Warancade ku duray xisbiyada mucaaradka ah.

Waxa uu Eng.Maxamed Xaashi Cilmi sidan ka sheegay shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen masuulyiinta Madasha Wada tashiga, waxaanu isaga oo arimhaas ka hadlaaya uu yidhi “Golaha guurtidu waxa ay u qaabilsanyihiin qaranka nabadaynta iyo dhexedhexaadinta wixii khilaaf ah,guurtidu markaan ku leeyahay waa waxa jamac ah oo ay go’aan ku soo gadhaan ama ay ka doodaan, ayuu guddoomiyuhu ka hadli karaa, laakiin maaha in guddoomiyaha golaha guurtidu inta uu tuurta u rito yidhaaho niman is hayaan kala badbaadinayaa,waayo intii kale xil ay la wadaagaan kamuu dhigin, isagana xil la soo wadaagay oo laga soo shaqeeyay ayay tahay inuu guddoomiyo, markaas arinta xisbiga KULMIYE dhexdiisa waxa u geeyaa inay reernimo ka daarantahay uun weeye,laakiin waxa ka fiicnaan lahayd iyada oo golaha lagaga doodo oo arintaas sidaan u waajahnaa la yidhaahdo marka ay iyagu xisbi ahaan ka soo codsadaan.”

Isagoo la sii hadlaya guddoomiyaha guurtida, wuxuu yidhi “markaas waxaanu leenahay guddoomiyaha golaha guurtida arin aan u eekayn oo aan meesha qaban ayay ahayd,waxii danbana waxaan odhan lahaa ha ku eekaado xilka guurtidu ay leedahay,yaanu kaligii wax qaadane guurtida wax ha la wadaago,waxaanay arintaasi ahayd mid meel ka dhac ah, oo aan guddoomiyaha u qalmayn mansabka uu maanta ku fadhiyo.waxaanan u arkaa inuu guddoomiyaha guurtidu dar-jiidhay oo waxaan ku haboonayan sameeyay waxaana fiican in qolo waliba xadkeeda ku eekaato sadexdeena dhadhaar.”

Eng.Maxamed Xaashi Cilmi  waxa uu xukuumadda ku dhaliilay gacan haadinta golayaasha qaranka “Baarlamanka,xukuumadda iyo garsoorku waa saddex dhadhaar oo isku dheeli tiran in midna midka kale faro galiyo maaha, laakiin waxaad moodaysaa in xukuumaddu gacan haadis iyo u yeedh yeedh ay wado, taas oo ah dhibaato weyn oo ay ku hayso golaha baarlamaanka markaas dawladda waxaan u soo jeedinaynaa in ay ku ee kaato dawladda ay masuulka ka tahay oo kaliya.”

Ugu Danbayntii Eng.Maxamed Xaashi waxa uu madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo jeediyay inuu xakameeyo wasiiradiisa“Waxa jira xukuumadda qudheedu waxaad moodaa in ay baratan ugu jiraan side madaxwayne Siilaanyo ay u raali galin lahayd,waxa layidhi wadatashi iyo toosin ayey canbaareeyeen halkaas ayey ka bilaabeen, wasiirkii arimaha gudaha Somaliland Cali Warancade oo mansab weyn u haya dalka waxa uu usoo jeediyey raga ku jira xisbiyadda mucaaradka ah in Xamar lacag laga siiyo, taasina waa arin weyn oo ceeb ah oo aan maanta laga filayn inuu ku hadlo masuul qaranka xil u haya, taasna waxa kasii daran inuu wax cadayn ah aanu u hayn Warancade hadalka sida dhibta yara uga soo yeedhay.madaxwayne Siilaanyo waxaanu ku leenahay wasiiradaada xakamee oo waxa ay daw u leeyihii tus hadii kale waxa ay maridoonaan meelo aan haboonayn.”