Madasha Wada Tashiga Oo Shirkii Wada Tashiga Qaran Ku Wareejisay Labada Xisbi Mucaarad Iyo Guddi Qaban-qaabo Oo La Xulay

0
608

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka,ayaa ku dhawaaqay in shirkii ay hore ugu baaqeen ay ku wareejiyeen labada xisbi mucaarad si ay u  soo qaban qaabiyaan shirkaas oo lagu gorfayn doono arimo dalka la xidhiidha. Labada xisbi mucaarad ayaa la sheegay inay aqbaleen oo ay ku dhaqaaqeen qaban qaabada shirkan.

Waxa ay madasha wada tashigu sida oo kale sheegtay in loo baahan yahay wada tashi iyo in la saxo arimaha dalka ka qaldan. Guddoomiyaha madasha Mujaahid Xasan Guure  ayaa isagu dhankiisa xukumada ku dhaliilay kala qaybin iyo in aanay ogalayn in dalka la wada yasho.

Ugu horayntii Eng.Maxamed Xaashi Cilmi oo ku dhawaaqay go’aankan ay gaadheen waxa uu yidhi  “Waxay nala noqotay inaan kordhino oo aan ka dalbano inay qaban qaabiyaan labada xisbi mucaarad shir cilmiyeed lagaga hadlo arimahan ina horyaala,xisbul xaakimka,xukuumada,baarlamaanka,wax garadka iyo oday-dhaqamedku ay ka soo qaybgalaan,shirkaas ayaanu ka codsanay labada sixbi mucarad inay qabtaan oo qaban-qaabadiisa sameeyaan,arrimihii dalkana aan laga hadhin sidii loo toosin lahaa iyo sidii loo kordhin lahaa, ee waxna loo hagaajin lahaa. Inaga oo ay inagu gaddaamantahay arimaha Somaliya oo dunidu u citiraafsan tahay in Somaliya dhulkii ay ahaan jirtayba ay ka madax-yahiin laakiin aanay sidaas ahayn,markaas xaaladdaheena iyo sida ay wax ku hagaagayaan in aynu isla eegno.”

Eng.Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxii aynu kordhinayno in aynu ku gaadhno wada tashi oo arimaheenu noqdaan waxii caadada inoo ahaan jiray ee wada tashi iyo toosin ayaanu dabada haynaa,wakhtiga shirku noqonaayana iyaga ayaa soo qabanaaya, abaabulkiina guddibaa loo saaray oo hadda gacanta ku haysa,waxaanan shirkan u qabanay in la ogaado arinkaas iyo arimo kale oo dhawr ah.”

Xildhibaan Saleebaan Cali koore  ayaa isaguna dhankiisa go’aankaas sii tiiriyay waxaanu yidhi “Anaga oo dhawrayna dastuurka iyo shuruucda ay umaddu degsatay,si mugdiga looga saaro oo qaranimada dastuurka iyo shuruucdu ay noqoto mid ilaashan oo anaguna aanu ixtiraamno, oo aanan ka baxin saaxada sharciyada ee dalku uu leeyahay waxaanu qaban-qaabadii iyo qaabkii shirarka qaranka loo qabanaayo lagu wareejiyay labada xisbi inay fududeeyaan, dhamaan cidii danaynaysa ee reer Somaliland  ah meelkastay joogaan inay ka soo qaybgalaan.”

Sida oo kale Xildhibaan Saleebaan Cali koore  waxa uu ka hadlay dhismaha wadada Ceerigaabo“Qodabka labaad ee aan is leeyahay is dul-taagna waa wadada Ceerigaabo oo qof Somaliland u dhashay oo ka hor iman karaa wadaa la samaynayaa aanu jirin,waanu taageersanahay hadaanu nahay odayaasha halkan fadhiya iyo cid kasta oo reer Somaliland ah,caqliga wanaagsan ayaana bixinaaya in wadadaas iyo kuwo kaleba loo baahan yahay.waxaase ka muuqada waxyaabo aad is odhan karto waxay u baahan tahay habayn iyo in lagu fadhisiyo qaababka wadooyinka caalamiga ah loo dhiso,sababta oo ah wadadaasi waa mid 400 oo KM ku dhaw,waxay u baahantahay da’daal,aqoon iyo injineero badan iyo dhaqaale micno leh,anagu waxaanu ka fakaraynay yaanay dhicis-noqone haloo dhamaado, waliba dadka deegaanadaas ay wadadu ku sii jeedo in ay noqdaan dadka ugu mudan ee talada loo dhiibo,laakiin toban wasiir yaanay Injineero ka noqon, ee halooga danbeeyo Injineerada,dadka khibrada leh,aniga oo ku hadlaaya afka odayaashan waxaan leeyahay waa in cid kasta oo reer Somaliland ah ay ka qab qaadataa wadadaas,xukuumaduna waa inay la timaadaa wax cadaalad iyo aqooni ku dheehantahay,ayna  marisaa qaabkii ay dawladi u shaqayn jirtay oo ah in la kala danbeeyo, sida farsamo yaqaano,go’aan gaadhayaal iyo arimaha kale ee wadada la xidhiidha.”

Ugu danbayntii Mujaahid Xasan Guure Jaamac,ayaa dhaliilo xoogan u soo jeediyay xukuumada “Maalintii dhaweyd xafladii shuhadada oo kaadhadh lagu galaayay ayaa lay diiday,waxanan is’leeyahay markaynu faataxo wada yeelan kari weyno,qaranimadana wada yeelan kari-mayno,ninka ii’diiday inaan faataxada la wadaago; qarana inaan wada yeelano iima ogala,gudcur baanu gudaynay markii aanu lahayn aynu wada tashano,gudcur baanu gudaynay markii aanu doonaynay inay dawladu hogaamiso oo madaxweynuu inta uu gacanta ku qabto uu yidhaahdo maxaa inaga khaldan,xaqiiqdu waxa weeye dawladeey sidan aad wax u wado ee faataxadii yaynaan wadaagin mid soconaysa maaha.xeer buu ku yahay dawlad iyo madaxweyne ee qof ahaan kuma aha oo doorasho ayuun buu ku tegey,in buu dastuurku siiyay anigana in buu I siiyay,hadduu intayda diido aniguna intiisaan diidi,markaas dhibaa iman doonta,waxaan leenahay dawladu haka shaqayso dadka waxii isku keenaya ee yaanay ka shaqayn waxii kala-kaxaynaaya.wadada Ceerigaabo waa la wada leeyahay,waana wadada dalka ugu muhiimsan dalka cid diidi kartaana ma jirto,laakiin sida aad wax u dhigtay ayay tahay hawshu,lacagta ku baxaysa waa in la ogaadaa,cida gacanta ku haynaysa waa in la ogaadaa oo aan dawlada ahayn,waxaan ognahay in baarlamaankeenu maalmo dhawayd markii uu miisaaniyada ka doodayay inuu celiyay haayado badan oo uu yidhi sharciba maaha,kii waxaas oo sharci daro sameeyay ayaa kana sida, xaguu markaas geynayaa lacagta hadaanan odhan xagaad gaynaysaa,waxaanu ku talinaynaa nina tiisa noqon mayso, tu la wada leeyahay ayaa dhismi karta ee tu la kala leeyahay ma dhismi karto,aan weelkeedii samaysano oo aan caqligeedii yeelano inaan wax wada yeelano,markaan ku yidhaahdo walaal soo baydh,ha sii baydhin.”