Maraykanka Oo Dhagaysta 35 Hoggaamiye Oo Dunida Ah

21
564

Picture1Wadamada Midowga Yurub ayaa sheegayay in xidhiidhkooda Maraykanku uu wiiqmay, ka dib markii la baahiyay in sirdoonka Maraykanku ay dhagaystaan telefoonada madaxda iyo shacabka wadamadooda.

Wadamada reer Yurub oo uu shir uga socday maalmahan wadanka Beljamka, waxa warsaxaafadeed ay shalay soo saareen ku sheegeen inay si weyn uga walaacsanyihiin in sirdoonka Maraykanku dhagaysto telefoonadooda, taas oo ay yidhaahdeen waxay dhaawici kartaa iskaashiga uu Maraykanku la leeyahay wadamada reer Yurub.

Midowga Yurub, wuxuu isku raacay inuu wefti u diro magaalada Washington si ay dawladda Maraykanka ugala xaajoodaan mawduucan oo ah mid xaasaasi ah.

Xogo muhiim ah oo uu baahiyay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa baahiyay in Maraykanku dhagaysto 135 hoggaamiye oo dunida ka taliya telefoonadooda. Lama baahin wadamadan iyo madaxdooda, waxase ay warbixintu sheegtay in masuuliyiinta la dhagaysto ay ka mid yihiin Madaxda Jarmalka iyo Faransiiska.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Obama uu Merkel oo ka talis Jarmalka u sheegay in Maraykanku aanu dhagaysan telefoonnadeeda.

Faransiiska ayaa hore u sheegay inuu ka cadhooday warar sheegaya in sirdoonka Maraykanku uu dhagaystay telefoonnada 70 milyan oo ruux oo u dhashay dalkaas.

Madaxweynaha Faransiiska Francoius Hollande ayaa doonayo in arrintan ay ka wada hadalaan madaxda reer Yurub ee shiraysa.

Wararkan la xidhiidha howlaha basaasidda ee Maraykanka ayaa laga soo xigtaa ninka baxsadka ah ee hore ula shaqeyn jiray sirdoonka Maraykanka oo hadda magangeliyo ku jooga wadanka Ruushka.

Comments are closed.