Xildhibaan Qabile Oo Laba Wasiir Ku Eedeeyay Inay Qorshe Dil Ah U Maleegeen Iyo Jawaabta Ay Ka Bixiyeen

22
586

Picture3Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo habeen saddexaadkii lagu rasaaseeyay Magaalada Hargeysa, ayaa laba Wasiir oo xukuumadda ka tirsan ku eedeeyay inay shirqoolka lagu rasaaseeyay ku lug lahaayeen isla-markaana qayb ku lahaayeen qorsheyntiisa. Wax dhibaato ahi ma soo gaadhin xildhibaanka.

Xildhibaan Qabile, waxa uu weerarka lagu bar tilmaameedsaday ku eedeeyay inay si weyn ugu lug lahaayeen Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaaradda arimaha gudaha Cabdilaahi Abokor, waxaanu sheegay in baadhitaan ay sameeyeen la galay labadan masuul.

Xildhibaan Qabile, oo shalay la hadlay Telefiishanka HCTV, ayaa yidhi “Waxa Cad guriga duulaankani ka yimid inuu ahaa guriga Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor, ee hagayey ee siinayey kharashka shirqoolka oo uu gacan yare hoose ka ahaa, Wasiirka labaad ee kiiskan baadhistiisu nala gashay waa xayndaabka Wasaaradda warfaafinta oo halka abaabulkeedu ka socday Cabdilaahi Cukuse”

Wasiir Cabdilaahi Cukuse, oo Telefiishanku waydiiyey waxa uu kaga jawaabayo hadalka xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa ku jawaabay “Saaka (Shalay Subax) ayaa iigu horeysa (Rasaaseynta xildhibaanka) oo aan jariiradda Haatuf ku arkay, inkasta oo aanan gudaheeda akhriyin, siday wax uga jiraana, in la toogtay iyo inaan la toogan (Xildhibaanka) saaka (Shalay) ayuu ii ahaa, laakiin waan ka xumahay, Qabile nin aanu saaxiib nahay ayuu ahaa, wax alaale iyo wax isku kaaya keeni karaana ma jiro, annigana saxaafadda ayuuu wax dhex mariyey, wax ku qoray iyo saxaafadda ayuu ka hadlay ayaa la igu eedayn jiray, hubkaa iyo wax is tooganaya maba jecli”ayuu yidhi.

Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor, oo isagana isla arintan la waydiiyay ayaa iska difaacay eedaymahaasi, waxaanu sheegay inaanu gabi ahaanba ka war qabin weerarka lala beegsaday xildhibaan Qabile “Arrinkaa aad iigu timid xafiiskayga waxba kalamaan soconin, qofka bani-aadamka ahina wuu ku eedayn karaa, eeduna dambi maaha, laakiin hadduu eed soo jeediyey waxa laga rabaa cadaynteeda inuu keeno, wax alaale iyo wax aan kala socdaana gabi ahaanba ma jirto”ayuu yidhi.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si kulul u cambaareeyay falkan oo ah mid ku cusub dhaqanka siyaasadeed ee Somaliland.

 

lkana dawladda hoose bixisay oo ku yaala degmada 31-ka May”

 

Comments are closed.