Israa’iil Oo Weli Duqaymo Ku Haysa Dadka Reer Falastiin

0
554

Picture3Tirada Falastiiniyiinta ee ku dhimatay weerarada diyaaradaha Israa'iil ay ku qaadayaan Qaza maalmihi u dambaysay ayaa gaadhay 100 ruux. Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka oo Qaza jooga ayaa sheegay in dadka u dambeeyay ee waxyeeladu gaadheen ay yihiin labo nin oo la dilay iyaga oo ku safrayay agagaarka degaanka Bureij. Gantaal laga soo riday Qaza ayaa ku dhacay kaalin shidaal oo ku taala magaalada Ashdhodh ee koonfurta Isra'iil. Saraakiisha caafimaadku waxay sheegeen in saddex qof ay dhaawacmeen mid koodna ay xaaladiisu xuntahay.

Weerarkaasi wuxuu u muuqdaa in uu yahay weerarkii ugu waynaa ee lagu qaado Israa'iil dagaalka socda afarta maalmood.

Gantaalo ayaa sidoo kale lagu riday waqooyioga Israa'iil, waxaana laga soo riday dhanka lubnaan, waana markii u horaysay tan iyo in tii uu billawday isku dhacan cusub. Millitariga Lubnaan waxaa ay sheegeen in ay isku dayayaan in ay ogaadaan cidda weerarkaasi ka dambaysay.

Madaxweyne Barack Obama ayaa doonaya inuu dhexdhexaadiyo Falastiin iyo Israaiil. Madaxweynaha Maraykanka Obama, ayaa u sheegey  Raiisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo isla markaana la soo afjaro dagaalka kala dhexeeya Falastiiniyiinta, dibna loo soo celiyo xabbad jooojintii dhaqangashey sannadkii 2012-ka.

Madaxweynaha ayaa khadka telefonka kula xidhiidhay Mr Netanyahu maalintii shaley oo ahayd maalin dhiig badan uu ku daatey Bariga Dhexe.

Aqalka Cad war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Obama uu u xaqiijiyey Israel xaqa ay u leedahay inay iska difaacdo weerarada gantaallo ee lala beegsanayo ee ka imanaya dhanka ururka Xamaas.

Laakiin waxaa uu intaa ku darey inuu ka walaacsan yahay in rabshadaha socda ay sii fidaan, isagoo labada dhinac ugu baaqey inay sameeyaan wax kasta oo lagu badbaadinayo nolosha shacabka.