Qisaska Xanuunka Badan Ee Xujaydii Ku Wax-Yeellowday Shilkii Mina

0
716

Picture2Riyaad (Geeska)- Shaqaalihii badbaadinayey dadkii ku wax yeelloobay Is-jiidhkii xujayda ee ka dhacay Mina iyo dadkii kale ee goob-joogga ahaa ayaa ilmada xejisan kari waayey markii ay arkeen xaajiyad gacanta haysata odaygeedii oo ka mid noqday dadka shilkan ku geeriyooday.

Xaajiyaddan oo u dhalatay qaaradda Eeshiya ayaanay wax dhibaato ahi soo gaadhin, si caadi ahna u awoodaysay in ay hadasho, waxa aanay ku adkaysatay in ay gacanta haysanayso saygeeda oo aanay aqoonsan in uu xijaabtay, mana ay dhegeysan warka dadka ku xeeran oo isku qancinayey in ay u baahantahay in gurmad caafimaad loo fidiyo, maydkana sii deyso si loo geeyo cisbitaalka, “Sii Daa Xaajiyo, u farax waa uu shahiiday ee… Wuu shahiiday Xaajiyo ee sii daa” ayaa ay ku lahaayeen shaqaalaha badbaadintu, sida uu faafiyey wargeyska Makah oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay warkan.

Xaaji Maxamed Bilaal oo isna ah xaaji kale oo u dhashay dalka Bangladesh, ayaa mar uu joogay mid ka mid ah cisbitaallada dadka wax yeelladu soo gaadhay la geeyey oo ku yaalla Mina, waxaa la garan karayey heerka murugada haysa marayso oo ay si cad uga turjumaysay ilmada uu xejisan kari la’ yahay ee si kasta oo uu u qariyo, indhihiisa ka soo butaacaysay, waxa uu la hadlayey dadka intii uu u gartay in ay isku jinsiyad yihiin oo uu weydiinayaa bal in midkoodna arkay xaaskiisii geeri iyo nolol. “Meel kasta waa aan ka soo raadiyey, waxa aan idinka baryayaa in aad ila raadisaan” ayaa uu yidhi isaga oo sida dhallaan hooyadii waayey kor u qaylinaya.

Saaxiibkii Cabdilcaliim oo ogaa in xaaska uu Xaaji Bilaal raadinayaa geeriyootay ayaa inta uu ku soo dhowaado oo garabka u salaaxay laabta, laabta u saaray, oo isaga oo qudhiisuna ilmanaya kula hadlay ereyo Qur’aanka Kariimka ah ka mid ah oo dhiirrigelinaya Sabir iyo wanaagga, laakiin Xaaji Bilaal weli ma’ uu aamusin, waxa aanu ku dhawaaqayey, “Waxa ay tagtay iyada oo aan xajkii dhamaysan, xaakaygii waxa ay tagtay iyada oo aan saddexdii carruur ahaa arkin”

Sida lagu sheegay warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Xayaat, Bilaal muddo rubuc Qarni ka badan ayaa uu ka shaqaynayey meherad lagu iibiyo dharka oo ku taalla magaalada Dahraan ee Koonfurta Sucuudiga, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Labaatan sano ayaa aan shaqaynayey si aan u awoodo in xaaskayga aan geeyo xajka sannadkan. Xaaskayga heerka uu Alle ka cabsigeeda iyo Iimaankeedu joogay lama sifayn karo, waxa ay aad ugu faraxsanayd gudashada xajka, saddexdeedii carruur ahaa inta ay isugu yeedhay ayaa ay soo sagootiday, qoyskayagii deggenaa Bangladesh sidoo kale waa ay sagootiday, waxa aad moodaysay in ay og tahay in ay gelayso safar aan soo noqod lahayn”

Xaaji Bilaal isaga oo ka sheekaynaya sida uu u dhacay shilkan xaaskiisu ku dhimatay waxa uu yidhi, “Shilku waxa uu dhacay toddobadii iyo badhkii subaxnimo, markii aniga iyo xaaskaygu aanu soo dhammaysannay dhagax-tuurkii Jamraatka, waxa aanu u soo soconnay in aanu ka baxno deegaankan dhaga-tuurka, laakiin markii aanu soo gaadhnay shaaraca 204, waxa aanu ku soo naxnay mawjado dad ah oo shaaracii iskaga hor yimid, waxa aanu isku daynay in aanu baxsanno, laakiin is-jiidh xoog badan ayaa dhacay, dhulka ayaa ay xaaskaygu ku dhacday, kadib aniguna waa aan ka dul dhacay, dushana waxaa nagaga soo dhacay xujaaj aad u tiro badan oo isa-soo-cidhiidhyey, aakhirkii aniga oo burbursan oo dhaawac xun qaba ayaa aan ku guulastay in aan kaco, nabarro gubasho ah ayaa jidhkayga ka soo gaadhay kulaylkii xad dhaafka ahaa ee dhulka oo ka yimid heer-kulka aadka u sarreeyey. Waxa aan bilaabay qaylo, ‘Xaaskaygii ila badbaadiya.. xaaskaygii waa ay dhimanaysaa…’ laakiin cidina iima joojin, oo qof kastaa waxa uu ku mashquulsanaa sidii uu naftiisa uun u badbaadin lahaa. Waxa aan isku dayey in aan ka soo hoos faqo maydkadka iyo dadka dhaawaca ah ee dusheeda tuulmay, laakiin waxa aan aakhirkii iyadii gaadhay goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.. waxa aan arkay xaaskaygii oo ashahaadanaysa, farta murdisada ee midigna kor u taagtay iyada oo cirka eegaysa, isla markiibana nafta ayaa ka baxday”

Bilaal ayaa aakhirkii nafta ku samirsiiyey, “Xanuunka geerida igu dhacday iyo dhibta xaaskayga aan waayey iga soo gaadhay waxaa iiga samirsiis ah, in xaaskaygii lagu aasayo dhulka halkii ugu barakada badnayd, Rabbigeedna ay la kulmayso iyada oo Shahiid ah oo geeriyootay iyada oo xidhan dharkii Ixraamka (Xajka lagu gudanayey)  iyadda oo Allaheed u khushuucsan raalli ahaanshiyihiisana doonaysa”

Xaaji Bilaal oo la weydiiyey sida uu isaga xaalkiisu yahay ayaa yidhi, “Gubasho waaweyn ayaa iga soo gaadhay meelo badan oo jidhkayga ka mid ah, gacanta, luga, dhabarka iyo wejiga. Waxa igubay kulaylkii dhulka aanu ku dhacnay ka baxayey. Waxaa la ii qaaday cisbitaalka oo daweyn ku-meel-gaadh ah la igu sameeyey, waxa aanan hadda halkan u taaganahay in aan sii arko maydka xaaskayga ka hor inta aan loo qaadin xabaalaha si loo aaso”

Si uu biyo u soo iibsado ayaa uu u baxay, markaasuu ka badbaaday shilkan Mina oo ay ku dhinteen saaxiibbadii oo dhami:

Shilka Mina dadka sida mucjisada ah naftoodu uga badbaadday balse xanuunka geerida saaxiibbadii la ilmaynayey waxaa ka mid ah Xaaji la aamusiin kari waayey kadib markii uu arkay in saddexdiisii saaxiibba ku dhinteen shilkan. Waxa ay ahaayeen saaxiibbo isjecel oo xajka isu soo raacay, laakiin qaddarku ma’ uu ogolaan in ay dib ugu wada noqdaan dalkii ay ka soo wada safreen.

Xaaji Ibraahiim Sacadi, oo Carab ah, ayaa ka sheekaynaya qisadan xanuunka badan ee ku dhacday, “   La soco…