Macaanku Waxa Uu Dumarka Ku Keenaa Khatar Wadne Xanuun Oo Ka Badan Inta Uu Ragga Ku Keeno

0
871

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in dumarka qaba xanuunka macaanka ay u nugul yihiin wadne xanuun, xaaladdaas oo ay ragga uga nugul yihiin. Waxa aanay xeeldheereyaashu sababta ku shegeen in haweenku aanay marka hore ku fiicnayn la socoshada xaaladdooda caafimaad, una jajabnayn la xidhiidhista dhakhaatiirta, arrimahaasina ay sababaan in xaaladdoodu ay xumaato.

Sara Napton oo tifatiraha arrimaha Sayniska ee wargeyska Ingiriiska ee The Daily Telegraph ayaa warbixin ay arrintan ka qortay waxa ay ku sheegtay in ay jirto cilmibaadhis cusub oo dhowaan lagu ogaaday in haweenka ay ku yartahay ilaalinta nidaamka nololeed ee xaaladda caafimaad qasbayso, si loo xakameeyo xanuunka.

Daraasaddu waxa ay iftiimisay in dumarka macaanka noociisa koowaad qabaa ay boqolkiiba 47 khatar u yihiin uu wadnuhu hawlgabo.

Warbixintu waxa ay sheegtay in celcelis ahaan tirada haweenka macaanka qaba ee uu ku sababo xaaladaha wadnaha hawlgabka ka dhigaya ay boqolkiiba 9 ka badan tahay tirada ragga ee uu ku sababo.

Daweyntak u habboon

Wargeysku waxa uu sheegay in ku dhowaad 4 Milayn oo qof oo dhalashadoodu ingiriis tahay ay qabaan cudurka Macaanka, dadkaas oo boqolkiba 92 ka mid ahi ay qabaan nooca labaad ee macaanka, ayaa ay dumarku ka yihiin boqolkiiba 44.

Cudurka macaanku waxaa lagu yaqaannaa in uu bukaanka ku keeno khatarta ah in uu kordhiyo khatarta ah gaabis in uu ku dhaco shaqada wadnaha, waxa kale oo uu keenaa dhimasho kedis ah oo inta badan dhacda marka qofka lagu sheego cudurka, laakiin waa markii ugu horreysay ee la ogaado in cudurkani uu dumarka ku keeno khatar wadne xanuun oo ka badan ta uu ragga ku keeno.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here