Maayarkii Hore Ee Hargeysa Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Iyo Guddoomiye Cirro Oo Xil U Magacabay

0
620

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Maayarkii hore ee caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa si rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Maayar Jiciir, wuxuu hore uga tirsanaa xisbigii UDUB ee saaxadda ka baxay.

Guddoomiyaha xisbiga Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo shalay magacaabay guddi hawleedyo uu yeelan doono xisbiga UDUB, ayaa xubnaha uu guddiyada u magacaabay waxa ka mid ah maayarkii hore Eng. Xuseen Maxamed Jiciir. Mr. Jiciir, wuxuu ku jiraa guddiga dhaqaalaha ee uu shalay xisbigaas u magacaabay guddoomiye Cirro. “Iyadoo la Tixraacayo qod 29aad faq. 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI, waxaan si loo dardargeliyo hawlaha Xisbiga waxaan halkan ku magacaabaya Guddi Hawleedyo.” sidaas ayuu ku yidhi guddoomiye Cirro qoraalka uu ku magacaabay guddiyada hawleedyada uu ka dhex muuqdo magaca Maayarkii hore ee Caasimadda Hargeysa.

Gudiyada kale ee uu guddoomiye Cirro magacaabay waxa ka mid ah guddiga arrimaha dibadda, Guddida Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Gudiida Cilmi Baadhista iyo Raadraaca, guddiga warbaahinta, guddiga arrimaha bulshada, oo uu dhammaantood faray inay xilalkaas gutaan si xisbiga loo dardar geliyo. Shakhsiyaadka kale ee ay magacyadoodu guddiyadan ka dhex muuqdaan waxa ka mid ah Col. Cumar Maxamuud Nimcaale, oo ku jira guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee xisbiga Wadani.

Md. Xuseen Maxamuud Jiciir, wuxuu muddo toban sannadood ah soo hayay xilka maayarnimada caasimadda Hargeysa.