Islamic Online University Oo Shahaado Wakiilnimo Gudoonsiisay Jamacada Golis

0
636

 

Picture1Hargeysa( Geeska )- Jaamacada IOU oo ah jaamacada ugu balaadhan ee dhanka Online-ka,ayaa shahaado sharaf dhanka wada shaqaynta ah waxa ay ku maamuustay jaamacada Gollis.

Jaamacadan ayaa hore heshiis ay u wada gaadheen gudoomiyaha jaaamcadan dhanka Onlineka ah Dr.Bilal Philips oo markaas socdaal ku yimi Somaliland, waxanay jaamacada Gollis ku heshiiyeen inay xarun u noqoto lagu galo imtaxaanaadka jaamacadan IOU ee Online-ka ah, taas oo keentay in labada jaamacadood uu dhex maro xidhiidh wanaagsan.

Hadaba xaflad kooban oo shahadada lagu gudoonsiinayay jaamacada GOLLIS ugu horayntii waxa ka  hadlay Axmed Maxamuud Maxamed  oo ka tirsan jamacada Online-ka ah ee IOU, waxanu war bixin kooban ka bixiyay jamacadan oo uu ku tilmaamay in ay dunida islamka iyo calamka intiisa kaleba ay aad ugu fidayso iyada oo sanad walba ka furato xarumo cusub wadamo aanay markii hore ka jirin kuwaasi oo ay ka mid tahay Somaliland, aadna ay u soo dhawaynayaan xidhiidka ay la leyihiin JAMADA GOLLIS oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid guulaystay meel fiicana maraya, una rajeeyay inuu noqdo mid intaa meel ka sii saraysa gaadha.

Waxa dhanka kale isna ka hadlay gudoomiyaha jamacada gollis Dr.siciid Axmed xasan oo ku dheeraday fa’iidada ay leedahay wax wada qabsiga iyo is kaashigu kaas oo uu ku tilmaamay inay tusaale fiican u tahay kan manta, oo ardayda Somalilandna u ah guul maadama ay  fursad u heleen in ay wax ku baran karaan nidaam  online ah iyaga oo aan diyaarad tigidh kaga bixin wadan kalena aan marti ku noqon, waxaana gudoomiyaha jamacada gollis sheegay inay sii xoojin doonan xidhiidhka iskaashi ee ay la leeyihiin jamacada IOU.

Jaamacada Gollis ayaa xidhiidho iyo macaamil wanaagsan la samaysay sanadii u danbeeyay jaamacado ku yaala wadamada dariska ah iyo waliba dalalka Europe, Asia,North America iyo South America.