Maayarka iyo Wasiirka Caafimaadka Oo Iska Kaashanayaa Hagaajinta Wajahada Wasaarada Caafimadka

0
901

Picture1Hargaysa(Geeska)-Maayarka  Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa wada jir uga hadlay Wajahada hore ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo muran ku dhex maray dad dan yar ah oo ku ganacsada iyo Dawladda Hoose oo dhulkaasi ka kicisay sheegtayna inay ka dhisayso beer.

Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dhulka uu muranku ka taagan yahay ay leedahay Wasaaradda Caafimaadku, isla markaana uu sheegay in Maayarku ka codsaday inay qurxiyaan oo hagaajiyaan bilicda wajahadda hore ee Wasaaradda Caafimaadka, waxaanu yidhi “Dhulkan Wajahadda Wasaaradda Caafimaadka oo ay leedahay Wasaaradda Caafimaadku, iyadoo Dawladda Hoose masuul ka tahay, Meeshan oo ah Wajahad weyn, Meel muhiim ahna ku taala wuxuu naga codsaday Maayarku in Dawladda Hoose Qurxinteeda maal galiso, anaguna waanu u ogolaanay. maaha meel dhismeyaal laga dhigayo sida dadka qaar Borobagaandada ka dhigayaan, maaha meel Dawladda Hoose qaadanayso, Barnaamij baa ka dambeeya iyo Dawladda Hoose ayaa qaadanaysa iyo waxba kama jiraan, meeshan ayay eegan kari waayeen fool xumideeda.taasaana keentay inay Beer ka dhigaan qurux badan oo indhaha soo jiidata”

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo wax laga weydiiyey in Hotel laga dhisaayo iyo in kale ayaa ku jawaabay “Hotel laga dhisayo iyo Guri laga dhisayo iyo hawl kale oo laga qabanayo midna ma jirto, wasaarad ahaana ma Ogolaanayno. Way jiraan dad dan yar ah oo ku ganacsada balse dhulkan waxa iska leh wasaaradda caafimaadka.”

Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa isna halkaasi ka xusay inaanay jirin Hotel laga dhisayo dhulkaasi, waxaanu yidhi “Adeer waxa weeye qofka odhanaya halkan ayaa Hotel laga dhisayaa isagaa damiir laawe ah.waa Cusbitaalkii Guud waa Wasaaraddii Caafimaadka, haddii aanu nidhi meel Cagaaran ha looga dhigo adeer isagaa damiir laawe ah, isagaana taas ka jawaabaya”.

Maayarka Magaalada Hargeysa  oo wax laga waydiiyay inay meel kale u diyaariyeen dadka ku ganacsan jiray goobtan laga dhigayo Beerta waxa uu  ku jawaabay “Umaddu waa wada dan yar, qofku haddaanu eegin meeshuu degayo oo aynu nidhaahno Cusbitaalka halagu ganacsado,waxa weeye qofku waa inuu degaan meel uu leeyahay ama meel uu kiraystay”

dhinaca kale Dadka halkaasi lagaga rarayo ayaa qaarkood soo dhigeen waraaqo caddaynaya in Dawladdu u sharciyeysay Dhulkaasi islamarkaana ay mudo badan deganaayeen.