Maayarka Hargeysa Oo Dhagax Dhigay Wejiga Labaad Ee Waddada Xaafadda 150-ka

5
547

Picture2Hargeysa (Geeska) – Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa bilaabay samaynta waddada Boqol iyo kontonka loo yaqaan ee waqooyiga Magaaladda Hargeysa, taasi oo ay isticmaali doonaan gaadiidka xamuulka ka soo qaadda Dekadda Berbera ee ku socda Itoobiya.

Waddadan ayaa loogu tallogalay inay noqoto mid wareegta oo xaafadaha magaaladda ku wareegta taas oo isku xidhi doonta  jidka laamiga ah ee Berbera, waxa kale oo lagu xidhi doonnaa waddada  xaafadda Maxamed Mooge ee koonfurta Magaaladda Hargeysa, iyado loogu tallogalay inay isku xidho dhammaan xaafadaha Magaalada,  si looga raysto cidhiidhiga wadooyinka Magaaladda dhexdeedda “Waxay ka mid tahay waxyaalaha ay dadka doonayaan in golaha cusub ee deegaanku u qabtaan, waxaana waddadan ka soo bilaabatay halka ay kaga dhacdo waddada galbeedka Magaaladda Hargeysa kuna wareegi doonta illaa koonfurta magaaladda waxaana lagu xidhi doono waddada Berbera, waxaana loogu tallogalay inay magaaladda ku soo wareegto” ayuu yidhi Eng Cabdilaahi Ubaxle oo ah injineerka dhulka ee dawladda hoose.   

Gudoomiyaha dhul bixinta ee dawladda Hoose Xildhibaan Maxamed Timacadde ayaa isna sharaxaad ka bixiyey waddadan iyo faa’iidadeedda, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Waddadan waxay ku dhici doontaa waddada Berbera, waxaanay ka talaabi doontaa oo waxay ku xidhmaysa waddada Maxamed Mooge illaa Star ayay soo mari doontaa, waxaan ugu baaqayaa dadweynaha dadka degan wadooyinkan dhexdeedda waa inay ka urursadaan oo ay baneeyaan jidka ay marayso waddadan, tijaarta magaaaladan waxaan leeyahay ka qayb-qaata dhisidda waddadan oo halbawle u ah Magaaladda”

Maayarka magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in waddadan halbawlo u tahay magaaladda, isla markaana ay mari doonaan baabuurta rarka u sida Itoobiya iyo goboladda Galbeedka “Waxaan halkan ka bilaabaynaa wejigii labaad ee waddadan, waxaana wejigii hore ka soo bilaabmay Buurta kala jeexan ee galbeedka Magaaladda, waxaan u sheegayaa dadweynaha meelaha la beenayo sii degaya, horta waddo la baneeyey dhul lagu heli maayo ee waa dambiile waana qaadicul dariiq qofka dega waddo badhtankeed”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waddadan waxay saxmadda ka yaraynaysaa wadooyinka magaaladda dhexdeedda, magaaladda dhexdeeda waxaanu u samanay cagaf-cagafyadda oo Dirawaliinta midba galin shaqayn doonta oo banyan doono wixii waddo la xidhay, hadaan wax la wada qaban waxba ma qabsoomayaan ee gacmaha aynu is qabsano”

Comments are closed.