Masar: Milatariga Oo Xidhay Telefishanka Aljazeera Iyo Tv-yo Kale

7
507

Picture1Qaahira(Geeska)-Milatariga Masar ayaa albaabada u xidhay afar Telefishan oo uu ku jiro telefishanka caanka ah ee Al-jazeera. Waxaana sidoo kale Masar laga masaafuriyay weriyayaal ajaanib ah oo u shaqaynayay Aljazeera.

Maxkamadda Masar ayaa xukuntay in albaabada loo xidho telefishanadan oo ay ku eedaysay inay dhibaato ku hayaan amniga Masar, waxaanay kala yihiin Aljazeera, Ahrar 25, Al Qudus iyo Al-Yarmuuk, waxaana dhammaantood albaabada u xidhay ciidamo Boolis ah oo loo diray. Marka laga reebo Telefishanka Aljzeera, Janaladan la xidhay waxa ay u taageerayaal u yihiin siyaasadda xisbiga Ikhwaanka ee talada laga tuuray.

Maalintii Isniintiina waxa ay Milatariga Masar masaafuriyeen weriyayaal ajaanib ah oo u shaqaynayay qaybta Ingiriisida ee Aljazeera.

Arrimahani waxay ku soo beegmayaan iyadoo maxkamad la horgeeyay madaxweynihii hore ee Masar iyo qaar ka mid ah madaxda ikhwaanka, kuwaas oo loo haysto danbiyo kala duwan oo lagu soo oogay.

 

Comments are closed.