Dawladda Taiwan Oo Somaliland La Gashay Heshiis Ay Ku Casriyeynayso Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa

0
625

Hargeysa (Geeska) – Dawladaha Somaliland iyo Taiwan, ayaa kala saxeexday heshiis caafimaad oo dib loogu casriyaynayo Cisbitaalka guud ee  Hargeysa, isla-markana lagu keenayo dhakhatiir u dhashay dalka Taiwan.

War-bixin laga soo saaray heshiiska ayaa lagu yidhi” Heshiiskan waxa si weyn loogu casriyeyn doonaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, Sidoo kale waxa Cisbitaalka ka hawl-gali doona dhakhaatiir waaweyn oo dalka Taiwan ka socda oo si rasmi ah uga shaqayn doona Cisbitaalka”.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kala sexeexday in Taiwan ay tababarto boqollaal hawl-wadeeno caafimaad ah, sidoo kalena maal galiso dhismayaal cusub oo lagu kordhindoono Cisbitaalka wayn.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay ka shaqayso horumarinta caafimaadka guud ee Somaliland.
Wejiga koowaad ee heshiiska ayaa socon doona muddo 5 sano ah, kadibna dib u cusboonaysiin ayaa lagu samayn doona.

Dhinaca kale, Somaliland waxa heshiiska u saxeexay wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda Liibaan Yusuf Cismaan, dhinaca Taiwan na wasiirka arrimaha dibedda Joseph Wu, inkasta oo uu heshiiskaasi u dhacay habka Online ah ama Maqal iyo Muuqaal ah.

 

Geeska.net/Hargeisa Office