Wasaarada Beeraha Oo Qabatay Kulan Lagu Gorfeynaayo Siyaasad U Samaynta Dhulka

0
729

Picture1Hargeysa(Geeska):-Kulan balaadhan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada beeraha Somaliland laguna gorfeynaayey sidii siyaasad lagu maamulo loogu samayn lahaa dhulka, ayaa lagu qabtay hotel Ambasador ee magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylaci),wasiirka deegaanka Somaliland Marwo:Shukri X.Ismaaciil Baandare, wasiir ku xigeenka arrimaha bulshada,agaasimaha guud ee wasaarada beeraha,xildhibaano,madax ka socotay hay’adda FAO oo mashruucan fulinaysa, madax ka socotay midawg Yurub, sharci yaqaano, ururo ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Waxaana kulankaasi ugu horeyn ka hadlay agaasimaha wasaarada beeraha Somaliland Md:Cabdilaahi Ismaaciil Faarax, waxaana uu si balaadhan ugu mahad celiyey hay’adda FAO oo uu sheegay in ay mar walba kaalin muhiim ah ka ciyaarto hawlaha kor loogu qaadayo wax soo saarka dalka, waxaana uu sida oo kale uu faah faahin ka bixiyey u jeedkan kulankan.

"Maanta arrintan aynu ka hadlaynaa waa arrimo khuseeya dhulka, arrimahaas oo u kala baxaya dhulka magaalada, ka beeralayda iyo ka xoolo daaqsimeedka in ay intaba ka taagan tahay dhibaatooyin aad u fara badan, inkasta oo aad moodo in imika uu hoos u soo dhacaayo, arrimahaasi waxaa ay u baahan yihiin in loo helo siyaasad cad oo lagu hago, si siyaasada loo helo, ayaa mashruucan oo inaga caawinayso Hay'adda FAO, aynu doonaynaa in aynu ku samayno siyaasadii dhulka ayeynu u fadhinaa maanta u fadhinaa sidii aynu u samayn lahayn"Ayuu yidhi Md:Cabdilaahi Ismaaciil Faarax.

Xildhibaano ka socda aqalka golaha wakiilada, masuuliyiin ka kala socday ururada bulshada, sharciyaqaano iyo sida oo kale madax kale oo aad u tira badan oo iyaguna halkaasi ka hadlayaa ayaa dhankooda, waxaa ay si aada u soo dhaweeyeen barnaamijkan cusub ee dhulka loogu samaynaayo siyaasadii lagu hagi lahaa, waxaana ay ku dheeraadeen in arrintani ay tahay mid muhiimad aad u balaadhan leh isla mar ahaantaana loo baahan yahay in cid walba ay ka qeyb qaadato si looga faa’idaysto khayraadka kala duwan ee ku jira dhulka Somaliland.

Wasiirka beeraha Somaliland Marwo:Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo iyaduna kulankaasi ka hadashay ayaa tilmaantay sida ay ugu faraxsan tahay in kulan noocan oo kale ah, waxaana ay tilmaantay in loo baahan yahay in talaabada la qaaday si dag deg ah ficil loogu badalo.

"Runtii ficilkii imika ayaa uu yimi, waxaa aynu doonaynaa uun sidii aynu u sidii aynu talaabo u sii qaadi lahayn, oo ficilkii loo sii muujin lahaa, ayaa iyaduna inoo taala, taasi oo aan ahayn arrin yar oo ah arrin dag deg ah, aadna waan ugu faraxsanahay kulankan noocan oo kale ee ay soo qaban qaabisay wasaarada beerahu".Ayey tidhi Marwo:Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Madaxa hay’adda FAO u qaabilsan Somaliland iyo sida oo kale madax kale oo iyaguna ka socotay midawga Yurub, ayaa iyaguna ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in xeer loo sameeyo lagu maamulo dhulka, si looga faa’idaysto khayraadkiisa, waxaana ay tilmaameen in ay dhankooda kaalin muhiim ah ay ka ciyaari doonaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hirgalint barnaamijkan.

Ugu danbeyntiina, waxaa munaasibadaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylaci), waxaana uu sheegay in la gaadhay xiligii loo baahna in siyaasad cad oo lagu maamulo dhulka loo samayn lahaa, si looga faa’idaysto khayraadka ku jira.

"Maanta Somaliland, waxaa ay joogta xiligii loo hawl gali lahaa sidii loo heli lahaa siyaasad iyo nidaamyo lagu horumarinaayo, maamulka dhulka iyada oo lagu xisaabtamaayo qeybaha kala duwan ee dhulka, waxaana muhiim ah in si cad lays kula waafaqo, qeybaha kala duwan ee dhulka sida looga manaafacaad sanaayo, sida qeybaha beeraha dhul daaq simeedka, meelaha macdanta laga qodaayo, iyo dhulka kaleba.Haddaba si laysula fahmo manaa facaadsigaa ee qeybaha kala duwan, waxaa kulankan maanta lagu lafo guri doona, hawshaasi sidii siyaasad cad looga samayn lahaa”.Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Saylaci.