Madaxweyne-Ku-Xigeenka Oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Lagu Kordhiyey Wasaarada Qorshaynta

0
770

Hargeysa (Geeska)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhigga ka jaray dhisme cusub oo loo hirgeliyay Wasaaradda Qorsheyta Qaranka.

gggggggg

Xaflad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka shalay, taas oo Madaxweye-ku-xigeenka ku wehelinayeen Wasiirka Qorshaynta Cali Xuseen Ismaciil Jirde (Cali Shoombe), madaxda kale iyo shaqaalaha wasaaraddaasi iyo wakiillo ka socday hay’adda USAID oo iyadu maalgalisay dhismahan cusub oo ah dabaq lagu kordhiyey sarta xarunta u ah wasaaraddan.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Cali  Shoombe), ayaa faahfaahin ka siiyey madaxweyne-ku-xigeenka dhismahan ay ka caawisay hay’adda Maraykanka u qaabilsan mucaawada dibadda ee USAID oo uu si wayn ugu mahadceliyey, “Dhismahani waxa uu xarun ama xafiisyo u noqon doonaa laba waaxood oo ka mid ah waaxaha Wasaaradda Qorshayntu ka kooban tahay. Waxaannuna aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa hay’adda USAID,” ayuu yidhi Wasiir Cali Shoombe.

Mr. Ibraahin Nuur Sarkaal ka socday hay’adda USAID, ayaa sheegay in hay’addoodu si joogto ah ula shaqaynaysay dawladda Somaliland shantii sanno ee u dambeeyey, isla markaana ay ka go’an tahay sii wadida wadashayntaasi, “Dhismahanina waa mid caddaynaya in bulshada Somaliland wax loo qabanayo, mustaqbalkana sidii aannu hore ula soo shaqaynaynay si ka wanaagsan ayaanu ula shaqayndoonaa,” ayuu yidhi sarkaalkaasi.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si wayn ugu mahadceliyey hay’adda USAID oo uu ka markhaati kacay taageerada ay siisay dawladda, waxaannu yidhi, “Maaha dhismihii u horreeyey ee hay’adda USAID ku caawiso Qarankan Somaliland iyo dhismihii koowaad ee wasaaraddan toona, iyada oo lagu xisaabtamayo baaxadda shaqada wasaaradda ka socota, lana tayeynayo shaqaalaha dawladda, sababtoo ah haddii shaqaalihii la tayeeyo waxay u baahan yihiin meeshii ay ku shaqayn lahaayeen, sidaad wada ogtihiina waddanka dhammaantii waxa ka socda dhismayaasha oo ah qaar ay dawladdu hirgeliso iyo qaar ay hay’aduhu maalgaliyaanba.”  “Hay’addan USAID waxay gobollada Somaliland ka fulisay dhismayaal sidan oo kale ah oo aad noo caawiyey oo socodsiinta shaqada wax weyn ka taray, markaa si weyn ayaanu uga mahadnaqaynaa sida wanaagsan ee ay isaga xilsaareen dhammaystirka dhismahan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Cabdiraxmaan Saylici.