Maayarka Boorama Oo Si Aan La Filayn Uga Hadlay Tabashada Saami-Qaybsiga Reer Awdal Ee Wakiilada

0
857

Boorama(Geeska)- Maayarka magaalada Boorama Saleeban Xasan Xadi ayaa saami qaybsiga gobalka Awdal uu ku adag yahay ku tilmaamay mid hadda aan wakhti loo hayn loona baahan yahay in doorashooyinka toos loo galo, isla markaasna uu dhamaaday wakhtigii waxbadan lagu saxi lahaa.

Maayarka ayaa ku tilmaamay guddoomiye ku xigeenka koowaad golaha wakiilada Axmed-yaasiin in uu dadka uun is xasuusinaayay in uu wali aaminsan yahay saami qaybsigii uu hore ugu adkaa.     Waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi uu siiyay tilifishanka Sahan, waxaanu arimaha saamiqaybsiga wakiilada ka yidhi“Saami, saami waa laga hadlaa wakhti badan ayaa laga soo wareegay in wax la saxo  baarlamaanku wakhti uu wax ku saxo oo meeshii ay wax daldaloolaan dib loo eegaa way ahayd laakiin maanta iyada oo la joogo xiligii doorashadu ina soo gashay turjumaadu waxay u eekaanaysaa golayaasha baarlamaanka iyo deegaanku waxay doonayaan inay ii fadhiyaan, macnaha ay bulshadii u yeelatay waa taas, waxaan laayahay intii ay soo kordhin lahayd  tuhun ah ma kuraasta ayay ku dheeraysanayaan laakiin waxaan leeyahay doorashada ha la  galo,”

Waxa la waydiiyay bal saamiqaybsiga deegaankiisu aaminsan yahay sida uu u arko “ Saami qaybsiga aniga laftigayga ayaa doonaya in la saxo laakiin waa goorma wakhtigeedii lama joogo doorashadii ayaa la galayaa oo afka inagu haysa.”                                                                                                                                          Maayar Saleebaan oo ka hadlaaya sida uu u arko hadalkiisa Axmed-yaasin guddoomiye ku xigeenka koowaad ee wakiilada waxa uu yidhi   “ waxa ay ahayd arin uu Axmed-yaasiin baryihii hore aad ugu yara adkaa laakiin intii danbe xan yar oo bulshada dhexdeeda ahayd ayay ahayd inuu cadeeyo  in aanu fikirkii hore ee saami qaybsiga ahaa inuu taagan yahay taasna bushada iyo aniga laftigayguba waanu taaganahay laakiin wakhtiga ayaa ah mid aan jaanis badan loo hayn in waxyaabo badan la saxo waxa kalena wakhti loo helo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here