“Madaxweynaha Waxaa Looga Baahan Yahay Inuu La Yimaado Dulqaad, Wasiirka Warfaafintana Umaddu Way La Yaabtay”

0
931

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, waxaanu ugu baaqay inuu aad ugu fiirsado hadalada uu ku hadlaayo. Waxaanu sidoo kale Madaxweyne Biixi ku canaantay inuu dulqaadka u yaqaano doqoniimo.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlayaa Wasiirka Warfaafinta “Qof walba marku hadlaayo waxaa haboon inuu ka fiirsado wuxuu ku hadlaayo ee afkiisa ka soo baxaaya, qofka masuulka ah ee xilka hayana kaba sii daran, oo waxaa saaran masuuliyad gaar ah, laakin Wasiirka Warfaafintu wuxuu ku hadlaayey aad baan ula yaabay, umadduna wey la yaabtay, ee ha ka fiisado hadalada afkiisa ka soo baxaya, oo masuuliyadiisa ha garto”.

Xildhibaan Nacnac maruu talooyin u soo jeedinayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweynuhu isaga ayaa ah Masuulkii ugu sareeya  Qaranka, Madaxweynaha waxaa looga baahan yahay inuu la yimaado dulqaad, Samir iyo xilkasnimo, inuu xaliyo dhibaatooyinka iyo tabashooyinka jira, laakiin loogama baahna inuu dulqaadka doqonimo ku tilmaamo, iyadoo ay khalad iyo gef tahay in guud ahaan Ciidamada kala duwan ee dalka la laayo, haddana Madaxweynuhu sida uu hadda u damqaday hore ugumuu damqanin Ciidamadii hore loo laayey, sidaas darteed Madaxweynaha waxaa mar walba looga baahan yahay inuu si siman ugu damqado Ciidamada la leynayo, laakiin imika waxay u muuqata inuu ka damqaday inankaas askariga ah ee uu adeerka u yahay ee la dilay, ee Madaxweyne Ciidamadu ha ku wada sinadaan, oo umaddu ha ku wada sinaato”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here