Maanta: Sannad Ka Dib Geeridii Marxuum Gaariye

0
549

Picture1Maanta waxa ay ku beegantahay sannad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay Alle haw naxariiste maalintii la aasay Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), oo dalka iyo dibaddaba ku lahaa magac iyo maamuus. Marxuumka oo ahaa Abwaan caan baxay, waxa la aasay 8 Oktoobar, 2012. Sidaas daraadeed, waxaanu maanta akhristayaasha u soo gudbinaynaa maansadiisii caanka baxday ee Ergo.

Qul-acuudu bilaahi             idaajaa nasru-laahi,

al-raxmaan iyo qaaf iyo        alif-laamra sirteediyo

waxaan maanta alhaakum         ilhaamka uga bilaabay

Hadraawow indhaweydba          sidaydii ma ahaynoo

waxaan ahay nin arkaaya        waxaan uumku u jeedin

oo kaligii anfariirsan         waxaan ahay nin arkaaya

maanka laaga ogsooniyo         asaraarta dhex yaala

isha laacu ka muuqdo           waxaan ahay nin arkaaya

umadayda tasowday ee           usha loo qaban waayey

Ee aniga iga bilow oo           abwaankeedu ka seexday

waxaa qoonkee tabaysa           afweynoo laga reeyana

ujeedaa uga dambeysa            waxaan ahay nin arkaaya

mar kastoo ayax guuro           in uu eel ka tagaayo

walibana aad uga sii xumoo      libinteyda af-duuba

-waxaan ahay nin arkaaya        ayaankaygii shi' dhaafay

markii loo injireystay          oo madow daba-keeniyo

isagoo ducanayaa dirqiga        weysha ku ooftayoo

idinkoo qof maqnaynoo           indhihiinu shan yihiin

mar labaad ambanaaya

-waxaan ahay nin arkaaya        ulajeedo habowday

ididiilo hungowday              ooda geel laga qaadayoo

hal taal gundihiisa             ayaanlow naxdin joogta

aayatiinkaba saaran             -Aheey way iyo ciil

umalkeyga hiqdeyda              calool oyga nafteyda

ilmada iga da'aysiyo            imtixaanka i haysta

-ma dhulkaa i ashkateeyey        ma cirkaa iga ajooday

ma badaa igu ugaajay            -ma abdaanan lahayn

ma dab baan isku ogaa           anigu aan isku daaray

-Islaantii curadkeeda           kolkay Eydu cunaysay

ax doraad odhan weyday          markii ay arki weyday

wax guda oy ku ilowdo           noloshii inankeeda

inay maanta u oydo              inteeday ku sugaysay

-Oori weerku ku raagayoo        geeridii odeygeedu

afaafkay ku banaysay            ninkii owdi lahaa

isagii fadhataystey             yaan u eersa nidhaa

-Ninkii aarsa yiqiinay          haduu aarsaday maanta

uu-fanayskiina guuray           iyana waa iga su'aale

tolow yaa colka eega            loo abaabulayaa

-Tolow yaa ilma-dayday          ulmadeydii u loogayoo

ilma dowgii ka reystay          -Yaa u aana ah maanta

udunteyda halowday              eebadayda ku fiiqan

ayaantay kululaato              kaan u eeran lahaa

-yaa u aana ah maanta

birta layska as-laayiyo         galkey siibtay ableydu

-yaa u aana ah maanta

mar labaad ubadkeena            sidii Ey la guhaadshay

in ilkaha lagu qaado            Unugtii shaleytoole

isku meesha u jeeday            iminka yaa iska hor jeedshay

-Laba oorya walaaliyo           ilmaadeer is maquunsha

lama sheegin aduunkee           marka aan ugu liito

mar aan eeda sokeeyiyo          ilmahayga ku waayo

mar aan aayo la'aanta           seedigay ugu aaro oo

walaashay asay qaado            mar haday aqalkayga

haddii layga adkaadiyo          hadaan raystey idhaahdaba

mar lay oohin u tahay           bal maxaan istafiiday

-Afartii garjahoodba            hadaan soo wada ooday

xageen geela irmaaniyo          markey beeshu haraado

u aroorinayaa

-sow anigu gacmahayga           kuma dheebin ishii

berri loo irkan lahaa           wixii aan ku if waayey

kuna aakhiro seegay             durba sow ma ilaawin

-Ubaxaan xinjirteydiyo          ka ab-qaalay jidhkeyga

kolkii aan is awaaday           udaabteys iyo ciil iyo

odax sow kama goosan.           haduu geedkii abaaday

markuu oomaba                   ubadka dhiiga looga shubaayey

sow ataar li'i maaha

gadhlow awr kala guurtey        la arkee mar kaleeto

in ay ood ku kulmaana           haduu uur kala guuro

sow amuur culus maaha           ololihii halgankeena

cukusoow arah  guulka           dhib waxaan u adkeystay

waxaan is-lahaa mar uun         baad arligaagiyo

iyadoon faqash joogin           kula iidi dadkaadee

kolkii waagu iftiimay           sidaan ahay Ina dhoore

usarkaan ka dhex toosay         indha u daranaa

marka duul asal guuro           in Ilaah ka biyeeyo

dadkoo yaala abaar              haduu roob iba dooxmay

ku bashiisho agteyda            intaan soo ordayaabaa

darku sii engegaa               Abuur baan ku tabcaa

irfidaan geliyaa                iniin baan ku ridaa

udan bay bixisaa                gooso baan is-idhaa

waa la ii arfacaa

-Abley baan ramiyaa             afeeyaa shirabaa

adhaxdaan is jaraa              oogso baan is-idhaa

afweyntaan u dhacaa

-Afartaa shax dheh maanso       afkaa laysu jaqaaye

sooma qaadin irmaan             amba qaadka kaleeto

berigii isticmaarka             taladii la il-duufay

burburkaad aragteeniyo          haday keentay inkaarta

aynigaygu ku dhaaftay           Allana i tusi waayey

-Ana maanta gefkaygu            inuu aasayo miino

ubadkeyga u taala               Fardowsaay ma arkaayo

rajadaad ulanaysay              waxaan looga ina-aabsanoo

-sidaasaabad itaalka            haddii aad amakaagday

ku ayaan badan tahee            Aafo waa ta dambeysoo

ifa-faalaha muuqdiyo            ishay leedahay maanta

waxba yaan af-gobaadine         intay doonto ha gaadho

aramaa qarxi doonta

-Dharaar baa iman doonta        hadaan Eebahay ceymin

afku uu hadal daayo

-Dharaar baa iman doonta        dab munaafaq istaadhay

sidii aayar gubtaa              ama duur olol taabtay

arligoo dhan dhameeya

-Dharaar baa iman doonta        iyadoo is wada weyday

oodo loo rogi doono

-Dharaar baa iman doonta        Imaaraadka sidoodiyo

ninba aag ku go'doomo

-Dharaar baa iman doonta        dadka Sool iyo Awdal ee

Aadanow hagrateen               raacdadoodu adkaato

lagu raadsho ileys

-Dharaar baa iman doonta        irsiqa laysku cidhiidhiyoo

wax la uunto la waayo

-Dharaar baa iman doonta        mujrim oogo madowoo

islaam sheeganayaa              agablaay hambadaada

isa sii kaba raasho             ku darsoo Axmed-doolow

waxaan ahay xog-ogaaloo         hir fog baan arkayaa

orna waa maqlayaa               waxna way urayaan

Aaminaay waan gabyayaa          nin abwaanana waan ahoo

ereygiisu tuf leeyahay          Hadeydaan i adeecinoo

ergedaan ahay maanta            ka abaal ka dhacdaan

Ilaahay balankii                ibtilaa dhici doonta

Dhulkay eyro ku fooftana        Afrikaan madmadowiyo

ajnabaa degi doona              iyagaa talin doona

-Organkaad didiseen baa         dib idiin qabsan doonoo

-Dharaar baa iman doonta        engag layskugu xiira

oo heeca diida ilmaha           qasab loo aqbalsiiyo

-ciyowgaa alwanaayiyo           tukahaa uuda hayaana

way is calool ogyihiinoo        Qaasinow abti hee dheh

Galow aamusi waayey             haddii aan wax aqaano

-Daruuraha iba-baaliyo          afagaalaha naafiyo

kolkaan moorada eegay           laaxinkay ku aroortiyo

ninka faalka inkiiskee          ku ab-yeeshay Cibruhu

haddaan eega la baajin          waa sidoo abada ah

-Haddii aad adintaanoo          indhaha dhiig laga keeno

idinkoon sidan dhaamin          inaad guul urisaan

waa waxaan la arkeynin          Allaahu ma balaqtu

ilaahow markhaati ka ahow

-Afartaa shax dheh maanso       afkaa laysku jaqaaye

sooma qaadin irmaan             Hadey heesi ab leedahay

ama loo oday sheegto            ilaa Xaawiyo Aadan

isir baan u lahaa               waligey abidkeyna

anoon jiiftada haadin           isha aan ka dhameynin

uumiyaha kuma soorin

-iminkay wada leedahay          muu abwaan wax yidhaahdee

idahaaba diraacda               subaga loo ogolaanine

hadaan aamuso waayo             khajeelaanse arooryo

hadaan lays inkiraynin          mankoo uunsadey deyr

dhirtu ay arad beeshay          cadceed loo indho kuuliyo

ufo roob subaxeed               araar kaaga sameeyey

-Khajeeaan hal abuurka         anigoo ka shufeer ah

 afaraydu jug weeyee             selef kuugu istaadhay

-Khajeelaan tix aroosa           satiyaal la aleeliyo

  u af-saaray fujaan

-Khajeelaan sida iida             iigu soo ururteenoo

iyadoo farihiina                 Arafoo kale moodo

murtidaaan Odhan lahaa           rag u soo luxiyeystay

-Intii aan kugu oomay            hadaan geed ololeeyo

 mar horuu ereygayga              Ilaahay balankii

 ku ugbaadi lahaa

-Ohodeyda dadkayga              Rabi baa ka asheedayoo

wuxuun baa indha buuxsha        nin aduunya u haysta

abtirsiimana sheegta            af qalaadna yaqaanoo

isticmaarkii la ceeshay         Aynigaan ahay oo dhan

wax aqoon ma bidaan             maxaa aabaday yeelay

sida ay u arkaan                siyaasaanu ahayn

la shaqeystay Af-weyne          ama gaalkii ag joogayoo

af-miishaarkii barteen

-Ahey way iyo ciil             umalkayga hiqdeyda

calool oyga nafteyda           ilmada iga da'aysiyo

imtixaanka i haysta            Anigaa is maqli waayey

orod bay wax i leeyihiin       ololna wuu fahmayaa

ayaamo is gurayaana            way igu fool adag yihiin

-Ahey way iyo ciil             Aaminaay magacey ba'

Asaagay igu wiirsay            inanteydu gumowday

ka irdhoobay shisheeye         ku eedoobay sokeeye

ehelkay ka qalooday            cidna aamini waayey

-Umul dooxa Togdheer          iyo raga Shiikh ku idlaaday

ee Aroori ku le'day            looma ooyaha Saaxil

anigaa ku tol belay            Cidna eersan maayoo

inkaar baa igu biirtayoo       anigaa isu geystay

-Dharaartii Alle keenana       ayni ii kordha mooyee

 caqli iima siyaado             mana waayo arkaayo

 wax kastood akhridaan          waxaan ahay Alle doori

 seed dhanina aanay ku oolin

-mudadaan ildarnaana            iyadoo soddon dhaaftay

weli eelka salkiisiyo           uhda boogta nin dhaafa

oo mar uun haakah yidhaahda    indhaheyga ma saarin

-Adinka dhaawac ku yaalana     hadaad hoosta ka dheydo

Aasbaroo wax ma dhaantoo       iyadaa ku lakiikta

-Talana way ashidowday         nin abaaray la diid

 nin abraarayna mooyi          meeluu beesha la aadi

-Arinkeena gabdhow             aqbalkeen godliyaana

arligeena kuma noola           Alif kow ku qaloocday

Al-baqruu ku dhibaaye          mar horaan ka afeeftay

Af-weynoo laga reeyiyo         inaan guushu ahaynoo

Bidhaan baad aragteen          baadidiinii u eg'ood

iyadii u qabtaan

-Istiqlaalkii sitiinkii        onkodee di'i waayey

tanina waa isku itaaloo        Abshirtii wanqasheediyo

axankii tacsideedaa            isku maalin ahaa

-Af-lagaadan maaha             hadaan maanta idhaahdo

odoyaashii la doortay          Anigoon kala reebin

Irbad dun gelin waayey

-iska daa wax kaleetoo

amni noo sugi waaye

Waxna aad uga liita

Ilaah baa i dili doona'e

kuwa buuraha aaday

-isku soo wada xoori

isma dhaanto dhasheediyo

meeshu waa wada ulo miidhanoo

ul la qaato laheyn

-Arin laysku khilaafiyo

ujeedooyinka dhowee

ubucdeedii wadhneydiyo

ictiraafkii maqnaaiyo

ku ilowday dan guud

-Abeesaa laga sheegay

markaan aadmiga fiirsho

aargudaan is idhaa

markaan Eebe jaleecana

awlaadsaan is idhaaye

-Waxaan eeg garan waayey

waxan eeg ka sokeeya

-Rag haduu is af dhaafo

aayatiina wadaago

afkaa laysku gartaayee

is afwaajiya maaha

isu soo ura maaha

-Adigoo hebel diidan

eryo reer hebel maaha

isu weersada maaha

udahaaga cun maaha

 

-isku soo wada duuboo

inqilaabna xal maaha

anigay igu gudhana

wax la eegto ka weyn

-ana waano ku xiiqey

dharaartii Alle keenana

abhis baan ku jiraa

-Far baan boog ka ag dhow

ka ilaalinayaayoo

hebelaa isku uraayana

anana u rahmanahay

baan weli maynu

adkaane inoo aayara leeyahay

 

-Mudacyaan afafkooda

anigoo gala-gariirto

isla eeganayaa

arji baan dirayaa

aleel baan ruxayaa

galiyoo dhego awdan

iridaha ku tumayaa

-Sidaasaanan aduunku

bal inaan ahay liid

anigoo gudo haawan

ha I aqoonsado leeyahay

 

-Waxaan fool eryeyaa

Hal aan Awr ku salaaxinoo

is-moogtii wax ma dhaamo

iyadoon la dalaaqin

wali haantii aslaysa

 

-Afartaa shax dheh maanso

afkaa laysku jaqaaye

sooma qaadin irmaan

 

-Nin ragi ereygiisana

astaan buu dhigtaaye

Rabow eex ma tiraabine

aqoon haygu cadaabin

 

-Ambaqaadka kaleetana

ishaa maanta bidhiiqdiyo

ogobeey libinteyda

rag bow u haysta ilaaqe

 

-Hodaneey marna Aabo

ay ax yaa wadaniiyo

axsaan layguma siinine

-halyeeyaa ku idlaaday

ubad baa u lugo belay

aduun baa ku dhamaaday

khabar baa ka adeegay

 

-Anigaa rag ugu liita oo

afadeyda sagaal gu'

kamaan soo ag wareegin

 

-Inagoo kala daadsan

nin u qooqay idiisuna

cirkuu roob ku og yahee

 

-awadeydii qudhaheydeen

aawadeed ku wad seegay

Aadanow taladeyda

ku adaadurin mayo

Ilaahey ka sokowna

anagaa leh awooda

 

-Ogolaana ma doono

intuu taago uluunka

nin yidhaahda anaa ah

afweynaanu ka diidnay

 

-Nin kastoo ana fooda

nin kastoo laba eef ah

ninkastoo is afuufa

anagaa ka shaneyna

 

-Lays amaahina mayo

Axmed weysa cadoow

cididaa usgageega ha

ogaado nin moog

 

-Mar nin baan u il-duufay

mar labaadka ilwaad

u ardaa dhigan maayo

nin intuu axdi qaaday

oofin waayeyna daa

 

-Ololihii lagu laaftay

kuwii uubta qodaayayee

iblayskii ku nabnaa

iyagu way garcadeen

-ana xaasha nin iin leh

wax inaan ku idhaahdo

uma quudho afkeyga

 

-Uf qabiilka anaa leh

wuxuunbaa ku adeegta

nin iskii kartidiisa

isagoon cid ku tiirsan

isku taagi kareynin

una haysta ateero

ayaantuu dambi geystana

laga hoos galo eeda

 

-Ayid waad is xigtaaniyo

idinkaa isku reer iyo

aqligii lixdankii

maanta iib geli maayo

 

-sidaan aaminsanahayna

abkuu doono ha sheegtee

wuxuunbaa ehel ii ah

dadka kaan af aqaano

ee si wax iila arkaaya

ee ina midayso ujeedo

 

-waxaan laysku ogeyn

ninkii hoos ka unkaama

aftideyda ma haystoo

ansax maaha wixiisu

 

-Arligeynu ku noolnahee

beryaha qaar u ekaa

irama daatal cimaadii

aayadaha lagu sheegay

-Awaaraanka kacaayiyo

ninka maanta ortiisiyo

oohintiisa maqlaayey

ka adkeystay gob maaha

dibna loo igman mayo

 

-Arliyooyna hiqdaadiyo

orgigii la shireystay

ilmadaadu ka weyne

inagoo xaley baadle

u eegaynay hilaaca

waxa awrta xidhiidhsan

loola aadayo baasle

wax baa nooga iftiimay

 

-dibna loo igman maayo

nin ishaafalateysatay

oo isagoo inala jooga

arwaaxdiisu walaayiyo

idaafeyto ku nooshahoo

ilina u daban tahayoo

abidkiiba ka reeba

oo dhulka aan wax ka oolin

-Rabi baana na uuntayoo

anana taag uma hayno

ayaan nool hirdin joogta

-oo markay kooxi orgootaba

ma asooli kareynee

abaal baanu ku qabnaaye

amaan uu ma helnaa

-Afartaa shax dheh maanso

afkaa laysku jaqaaye

sooma qaadin irmaan

-sidaasaana itaalka

u af dhuubsanayaayoo

wixii aan odhan lahaaba

mar aan maanta aheyn iyo

ar dambe u dhigo leeyahay

-Waxaanu Alle keenay

waxaan loo adidoonin

oo aayaheenuba maanta

ilig liiqliiqanaayiyo

indhal buu sudhan yahee

-sida xaal u eg yahay

ama waynu adkaanoo

wax jireynu ahaan

ama waynu idlaanoo

dib laynoo arki maayo

-iyadoo wada saran

umadeenuba dooni

ku asqawday badweynoo

injiinkii ka duqeeyey

ayaa reer hebelaay

afka way igala weyn

tahee hadaad leedahay

caqiibo agoonta luxuska ah

horta reer u yagleel

ubadaasi jajabeysa

ee u uusmiirtey darteed

dib waxay ka ahaataba

ishii cawri taqaaniyo

ka ilaali wad mooyee

wax kaleeto ilow

asalkeeda banaana

maalintay il xun-tahay

bay ilaah leedahay ceynsha oo

-markaad xeeli amaan ah

kula eersatid beesha

eed aamusiiso rasaasta

-waxaad ulaneyso

anagaaba ku siine

inagoo sidan dhaaniyo

adeerow gacalow

ayaanteeda ha gaadho

haduu Eebe yidhaahdo

lugo aan isku taagno.