“Cabdiraxmaan Xoog hadduu $ 100 Diido Anigaa Ka Bixinaya”

5
3907

Picture2Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), ayaa sheegay inuu Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) ka bixinayo $ 100 ee xildhibaanada Golaha wakiilada looga jarayo dhismaha waddada isku xidhaysa Burco iyo Ceerigaabo, waa haddii buu yidhi uu diido.

Xildhibaan Nac-nac, oo shalay xarunta Golaha wakiilada kula hadlay saxaafadda ayaa ka hadlay dedaalada Mucaaradeed ee Xildhibaan xoog ka dhex wado golaha wakiilada, waxaanu xildhibaan Nac-nac uu xildhibaan Xoog ugu baaqay inaanu ka hor imanin horumar uu sheegay in xukuumadda Kulmiye dalka ka wado “Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog waxaan leeyahay wadooyinku waa horumarka aynu dalkeena ugu dhaaranay, dalkana aynu daacad u noqono, iskana ilaali inaad horumarka iyo wadooyinka ka hor timaadno” ayuu yidhi, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), waxa kale oo uu sheegay “Annigu Kulmiye ayaan ahay, cod iyo dadka oo aanu wax galino (gashano) ayaanu ku marina, laakiin adigu waadigii barigii UDUB baaskooladda noola soo bixi jiray ee miyaad ilowday, annaga Baaskoolad ma jirtee cod ayaanu kugu muquuninaynaa”

Xildhibaan Nac-nac, waxa kale oo uu sheegay “Cabdiraxmaan Xoog hadduu $ 100 Diido Annigaa Ka Bixinaya”ayuu yidhi.

Xildhibaan, Xoog ayaa hore u sheegay in lacagta dhan $ 100 ee wadada Ceerigaabo looga jarayo xildhibaanada aanay aqbali doonin.

Comments are closed.