Maanta Salebaan Ma Is Hortaagi Karaa Muddo Kordhinta Silaanyo Siduu Isu Hortaagay Rayaale?

0
564

Waxa dhacdey waqtigii guddigii doorashooyinkii labaad ee Somaaliland ee u guddoominaaye Jaamac Maxamed Cige (jaamac Sweden)/Max’d Ismaaciil kabaweyne in muddo xileedki madaxweyne Rayaale iyo ku xegeenkisa Axmad Y. Yaasiin dhawr goor loo kordhiyey  .

 6 September ayey guddigi doorashado Iclaamisey inaaney surtagal aheyn in doorasho dhacdo 27 September 2009. xukuumadda Rayaale waxey ka codsatey guurtida muddo kordhin sannad ah ,Xisbiga kulmiyena wuxu bilaabey muddaharaado balaadhan ,waxaanu wacad ku marey in annu marnaba aqbaleyn muddo kordhin dambey.Waxaanu soo jeediyeey in la dhiso dawlad wadaag ama dawlad ku meel gaadh ah( care taker government)oo u hoggaaminaayo  guddoomiyiha guurtida iyo guddoomiyaha wakiilada oo wadanka  gadhsiisa doorasho xor oo xalaal ah. Maalin khamiis ah aya la bilaabey doodi muddo kordhinta ,waxaaney aqlabiyaddu codsatey in jimcaha la isugu soo noqdo si loo ansixiyo muddo kordhinta,laakiin guddoomiye Salebaan isago adeegsanaya awoodisa guddoomiyenimo ayu ganafka ku dhuftey in jimcaha la shaqeeyo ,muddada doodu socoteyna dawladaha saxiibka la ah Somaliland sida ingriiska,Ethopia,Norwey iyo Mareykan iyago ka walaacsan khasaaraha iyo khataraha ka iman kara isku dhac dhex mara labada xisbi mucaarid iyo xukuumadda Rayaale waxey codsanaayeen in ay dhex dhexaadeyaan saddexda xisbi iyo xukuumadda .Taaso maalinti Sabtida ay xukuumadda Rayaale ka joojisey guurtida in muddo kordhin ay sameeyaan ,aqbasheyna dhex dhexaadinta beesha caalamka.

Waxa ka soo baxey heeshis lix qodob ah :

1-Muddo xileedki madaxweynaha iyo ku xigeenkisa waxa la tix raacey qodobka afraad (4)iyo 5

2-Waxa la magacaabaya guddi doorasho oo cusub

3-Waxa dib loo saxaya magacyadi la diwaangeliyey (Refine the voter  registration list)

4-Seddexda xisbi waxay aqbaleen iney commissionka Caawiyaan khubaro Caalami ah sidi loo saxo magacyada iyo sameeynta jadwalki doorashada ,lana cayimo maalinta doorashada.

5-In muddo xileedka madaxweynaha iyo ku xigeenkisu noqdo bil laga bilaabo maalinta doorashada loo cayimo .

6- In beesha caalamku garab taagnaato S/L iyo seddexda xisbi si ay u qabsoonto  doorasho xor oo xalaal ah.

Alla mahad leh,

Eng.Bashe C.Gaboobe