Guuleed Oo Cuntada Ka Soomay Iyo Ururka Qareenada Oo Sii Dayntiisa Ku Baaqa

0
693

Picture3Hargeysa(Geeska) -Ururka qareenada Somaliland ee SOLA  ayaa si kulul u canbaareeyey xadhiga Qareen Guuleed Axmed Jaamac, oo ah u dhaqdhaqaaqe xuquuqda Aadanaha ah sida oo kalena guddoomiye u ah xarunta xuquuqul Insaanka Somaliland oo dhawaan xukuumada Siilaanyo ay xabsiga u taxaabtay kadib waraysi uu siiyey idaacada BBC-da, kaasi oo salka ku hayey habka iyo hanaanka maamul ee ay u shaqeeyaan maxkamadaha Somaliland, waxaana ay sheegeen in xadhiga qareenkaasi uu yahay mid sharci darro ah isla mar ahaantaana ay xukuumada ugu baaqayaan in ay si deg-dag ah ay u sii dayso.

Ururka qareenada Somaliland, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargeysa, waxaana ay sida oo kale sheegeen in Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac uu ka soomay cuntadii uu cunaayey.

Guddoomiye ku xigeenka ururka qareenada Somaliland  ee SOLA Md.Xasan Cali Xasan oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xadhiga qareen Guuleed Axmed Jaamac uu yahay mid sharci darro ah isla mar ahaantaana la xidhay qareenka isaga oo gudanaaya hawlihiisa shaqo, waxaana uu tilmaamay in xadhigaasi uu gef cad ku yahay kana hor imanaayo xeerka garyaqaanada Somaliland.

“Xadhiga garyaqaanka marka loo eego xeerka qareenada, qodob xeerkaas ka mid ahi waxa uu mamnuucayaa  in qareenada la xidho inta ay shaqadooda gudanayaan ama umada la hadlayaan ama maxkamad ha joogee, garyaqaankana  isaga oo hawshiisa gudanaya looma xidhi karo arin la xidhiidha hawl gudashadiisa, qodobkaas ka mid ah xeerka garyaqaanada xadhiga Guuleed gaf ayuu ku yahay, waxa kale oo xad gudub ah inuu Guuleed mudo dhaaf ugu jiro jeelka arintaas oo xad gudub ku ah arimaha xuquuqal iinsaanka, waxa kale oo xad gudub ah in loo haysto eedayn ah inuu qoray warbixin, warbixintaas oo ay qortay hay’ad madax banaan”.Ayuu yidhi Md.Xasan Cali Xasan.

Md.Xasan Cali Xasan oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa u soo jeediyey madaxweyne Siilaanyo in aanu ku tuman sharafta iyo karaamada umadda isla mar ahaantaana aan wax tacadiyo ah iyo ku tumasho loo gaysan xuquuqda bani-Aadamka, waxaana uu yidhi; “Madaxweynaha amaano ayaa loo dhiibtay waana inuu umadda u illaaliyo, waxaana  laga doonayaa inuu illaaliyo sharafta iyo karaamada umada oo aan tacadiyo iyo ku tumasho xuquuqal iinsaan loo nisbayn, waxaanan ku baraarujinaynaa oo aanu leenahay  leenahay si deg deg ah ha loo sii daayo ninkaas garyaqaanka ah ee Guuleed Axmed Jaamac danbi uu sameeyey haduu jirana dacwadiisa maxkamada hala keeno, damaanad ayuu xaq u leeyahay uu banaanka ku joogi karo waa nin garyaqaan ah sharaf iyo karaamo ayuu leeyahay, xeer dhan ayaana balan qaaday inaan la xidhi Karin oo aan xoriyadiisa laga qaadi Karin”. Waxa kale oo halkaasi ka hadlay garyaqaano ay ka mid ahaayeen Looyarka u doodayey garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac garyaqaan Maxamed Axmed Abokor, garyaqaan  Xanaan  Cumar, garyaqaan Jamaal Xuseen iyo Garyaqaan Abiib Cumar kuwaas oo dhamaantoodba cambaareeyey xadhiga Guuleed Axmed Jaamac, waxaana ay ugu baaqeen xukuumada Siilaanyo in ay si deg dag ah ay xoriyadiisii ugu soo celiso maxbuuskaas xidhan.

Xildhibaan/garyaqaan Maxamed Saalax Cige  kana mid ah ururka qareenada Somaliland oo isaguna ugu danbeyntii halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in qareen Guuleed Axmed Jaamac uu ka soomay cuntadii uu cunaayey, waxaana uu faah faahin ka bixiyey qaabka ay sharci darrada u tahay xadhiga loo gaystay Guuleed Axmed Jaamac.

“Guuleed isaga oo cadaalada darada lagu sameeyey ka cabanaya , isaga oo ka cabanaya inaanay jirin wax dacwad ka dhan ah oo maxkamada loo gudbiyey, isaga oo ka cabanaya cadaadiska lagu sameeyey , intaasba isaga oo ka cabanaya waxa maanta na soo gaadhay oo ay qareenadu  sheegayaan inuu cuntadiina joojiyey , taasina waa dhibaato kale oo sharciyadeeda leh, waxaanan aad u adkaynayaa  maadaama oo aan ilaa imika wax dacwad ah maxkamada loo gudbin, waxa lagu haystaana ay tahay hadalka iyo buuga lagu eedaynayo Waxaanu soo jeedinaynaa oo aanu xukuumada soo xidhatay ka codsanaynayaa oo aanu ku adkaynaynaa inay garyaqaankaas xoriyadiisa ay u soo celiyaan.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Saalax Cige.