Xisbiga Waddani Oo Walaac Ka Muujiyay Guddida Ay Guurtidu U Saartay Ka Tallo Bixinta Muddo Kordhita Madaxweynaha

0
543

Picture5Hargeysa(Geeska):-Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa walaac xooga ka muujiyey gudida golaha Guurtidu Somaliland ay maalmo ka hor u saareen ka soo talo bixinta muddo kordhinta loo samaynaayo xukuumada madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu si adag uga digay in golaha guurtida Somaliland ay soo saaraan muddo kordhin ka badan tii ay hore heshiiska ugu ahaayeen saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka Somaliland.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu qaar ka mid ah warbaahinta uu kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale uu sharci darro ku tilmaamay warqadii madaxweyne Siilaanyo u soo gudbiyey golaha Guurtida ee uu ku xusay in golaha Guurtidu ay waajibaadkooda ka gutaan dib u dhaca doorahooyinka.

"Xubno gudi ah oo golaha guurtidu magacaabay oo soo mudayn doonta muddo kordhinta, runtii arrintaasi waxaa ay noqotay arrin naga yaabisay sharcigana baal marsan, sababta oo ah golaha Guurtidu sababaha ay muddo kordhin ku sameeyaan waa la garanayaa ee dastuurku sheegay, arrintana imika hortaaalana waa ay ka duwan tahay asbaabaha ay sharci ahaan golaha Guurtidu xaqa u leeyihiin ee ay muddo kordhinta ku samayn karayaan, waa qodobo cad, waxa weeyaan Guurtidu gabi ahaanba meel ay maanta ka soo gali karaan oo ay muddo kordhinta madaxweynaha u cuskan karaan ma jirto, imika arrinta loo soo gudbiyey ee madaxweynahu u soo gudbiyey arrin qalada ayey ahayd, madaxweynahu xaq umuu lahayn in uu yidhaahdo waajibaadkiina dastuuriga ah ka guta, sababta oo ah waajib dastuuri ah oo guurtidu ay muddo kordhin ugu samayn karto arrintan hada taala darteed oo sharciga waafaqsan ma jirto".Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Afhayeenka xisbiga Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi;"Waxaanu golaha Guurtida Somaliland uga digaynaa in ay soo saaraan wax baal marsan waxii ay soo saareen Komishanka doorashooyinka, waxaan uga digaynaa guddoomiye Saleebaan in uu dalkan qalalaase siyaasadeed uu galiyo, waxaan uga digaynaa in nidaamkii sharci ee ay ku soo heshiiyeen saddexda xisbi qaran ee tarmaya ee ahaa mudada doorashada xiligaas aynu qabsano oo markaa saddexda xisbi iyo gudida doorashadu waxay ku soo heshiiyeen wax ka baxsan in ay soo saaran ayaan uga digaynaa".