Hargeysa(Geeska)24 December 2025: Dhacdada dhowaan ka dhacday Meheradda Diiriye ee magaalada Hargeysa, taas oo hooyo Caano ay Siiso Ubadkeeda u Doonaysay laga iibiyay caano dhacay, ayaa mar kale daaha ka rogtay dhibaatada joogtada ah ee ganacsatada dad Qalatoobay ee dalkeenu ku hayaan umadda Masaakinta ah ee aan Haysanin Dawlad daryeesha.
Halka Ganacsatada dadqalatoobay inta badan u arka macaashku in uu ka horreeyo nolosha dadka, ayaa noqday caqabadda kowaad ee haysata badqabka qoysaska Iyo Nolosha dadkeena.
Dhacdada foosha xun ee laga soo sheegay Meheradda Diiriye ee magaalada Hargeysa, taas oo hooyo looga iibiyay caano dhacay, maaha dhacdo ku kooban qof qudha ama meherad qudha, balse waa arrin xasaasi ah oo si toos ah u qusaysa dhammaan nolosheena iyo mustaqbalka ubadkeena
Waxa mudnan leh gabadha dhibbanaha ah ee dhiirratay inay codkeeda kor u qaaddo. In carruur aan waxba galabsan loo quudho caano sun noqday waa fal dad-qalato nimo ah oo aan marnaba laga aamusi karin.
Ganacsatada u xuub-siibtay inay macaash ka raadiyaan wax kasta oo dhib u keenaya dadka, waxay maanta khatar ku yihiin badqabka qoys kasta oo inaga mida.
Arrimahan noocan ah waxay inagu khasbayaan inaynu iswaydiino inaynu ka dhiidhino oo aynu meel uga soo wada jeedsano:
Waxaan ugu baaqaynaa dadweynaha reer Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland:
- Inay midoobaan oo ay dusha ka ilaaliyaan Ganacsatada aan dhawrin Tayada Alaabooyinka ay wadanka Keenan ama inoo iibkenaya.
- In la taageero qof kasta oo soo bandhiga khaladaadka caynkan oo kale ah si looga hortago masiibo caafimaad.
- In Hay’adda Dhawrista Tayada ay qaaddo tallaabo sharciga waafaqsan oo tusaale u noqota ganacsatada kale ee “Dad-qalatada” ah.
Nolosha ubadkeenu kama raqiisana lacagta ay raadinayaan ganacsatada damaca waallida ahi ku jiro.
Maanta haddaan laga hadlin, berrito waxa dhici kara waxyaalo ka waawayn kan manta!
Waxa ayaan-darro weyn iyo fajac ku noqotay shacabka reer Hargeysa ka dib markii la ogaaday in ciidanka Boolisku ay xabsiga u taxaabeen gabadhii muwaadinadda ahayd ee soo bandhigtay in Meheradda Diiriye ay ka iibisay caano dhacay.
Waxa ka sii daran, in gabadhaas lagu qasbay inay raali-gelin ka bixiso cabashadeedii xaqqa ahayd, halkii laga baadhi lahaa meheradda dhibta gaysatay.
Tallaabadan ay qaadeen laamaha amnigu waxay muujinaysaa in:
- Ganacsatada iyo Qaybo ka mida Boolisku isku-Kaashadeen:In hantida ganacsadaha laga doorbiday nolosha ubadkeena ee la doonayay in la siiyo caanaha sumaysan.
- Cabudhinta Muwaadinka:In qofka muwaadin ka ah ee dhibta tirsanaya la xidho, halkii uu sharcigu qaban lahaa cidda alaabta dhacday suuqa dhigtay.
- Khatarta Nolosha:In falkani dhiiri-gelinayo ganacsatada “Dad-qalatada” ah, maadaama ay ogaadeen inaan la weydiinayn masuuliyadda alaabta ay iibinayaan.
Baaq Deg-deg ah:
Waxaan ugu baaqaynaa dadweynaha iyo ururada u dooda xuquuqda aadanaha inay kor u qaadaan codkooda. Waa inaan la aqbalin in hooyo caruurteeda u dhiman lahaayeen caano dhacay haddana lagu qasbo inay raali-gelin siiso kii ka iibiyay Caanaha Dhacay.
Arrimahani waxay quseeyaan nolosheena iyo ubadkeena, waana inaan loo aamusin dulmiga ay iska kaashanayaan ganacsatada iyo Qaar ka mida laamaha amniga.
Waxaa u baahan in si buuxda loo taageero mawduucayda Noocan oo kale ah ee Taabanaya Nolosheena iyo Ta Ubadkeena. Gabadha muwaadinadda ah ee sida geesinimada leh ee dhiirratay inay soo bandhigto falka foosha xun ee lagula kacay. In carruur la siiyo caano dhacay maaha oo kaliya mas’uuliyad darro, balse waa fal dembiyeed u baahan in laga dhiidhiyo.
Maanta, maaha oo kaliya inaynu canbaarayno Meheradda Diiriye, balse waa inaan farta ku fiiqnaa nidaamka ganacsi ee “Dad-qalatada” ah ee ka jira dalkeena.
Waxaa la joogaa xilligii bulshadu midoobi lahayd si looga hortago kuwa u badheedhaya inay ina dilaan iyagoo raadinaya lacag xaaraan ah.
Gunaanad
Haddii ay dhab noqoto in askar iyo saraakiil ka tirsan Boolisku ay u adeegsanayaan awoodda dawladda inay ku difaacaan ganacsatada iibinaya raashinka dhacay, waa in sharciga la horkeenaa laguna qaadaa tallaabo ku habboon.
Waxaan ugu baaqaynaa Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha inay baadhitaan degdeg ah ku sameeyaan saldhigga iyo askartii ku lugta lahayd Talaabo ku haboona laga qaado












